Sunday, August 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo tababae ku saabsan hab-tebinta wararka xuquuqda carruurta u furay suxufiyiin (Warbixin)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 13, 2023
in Wararka
0
Minister of Information Da’ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxa-bannaan ee Soomaaliya – (SIMHA), ayaa talaadada maanta ah qabanqaabisay tababar wax-ku-ool ah oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 25 weriye oo isugu jira ‘RAG iyo Dumar’, kuwaas oo kala metalaya jagooyinka shaqo ee warbaahinta, sida; Tifaftirayaal, soo saarayaal, Tebiyeyaal ama Ribootarro, IWM.

Tababarka oo soconaya seddex maalmood ayey suxufiyiintu ku kororsan doonaan; aqoon, aragti iyo faham gun dheer oo ku saabsan habka tebinta sheekooyinka carruurta iyo u qareemidooda, si loo xaqiijiyo haddii ay heleen saamiga ay ku leeyihiin dowladooda, waalidiintooda iyo guud ahaan bulshada.

Related posts

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025

Furitaanka Tababarka 

Mudane. Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay tabaaraka ayaa ka qaybgalayaasha suxufiyiinta ah ku baorriyey in ay ka faa’iideystaan tabarkan, waxa uuna ka shanqariyey in sida uu Mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed u ekaadoo; uu dalkana ekaanayo. Waxa uuna weriyeyaasha xusuusiyay in ay u xilsaaran yihiin hawlo ka qara weyn tebinta sheekooyinka siyaasadda.

“Siyaasad keliya ma aha in aad tebisaan, ee waa in aad cod u noqotaan malaayiinta carruurta Soomaaliyeed ee dhinac walba uga baahan hiillada, sida;  in ay caafjmaad iyo Waxbarasho helaan” ayuu yiri, Wasiir Daa’uud.

Ujeedka Tababarka 

Tababarrada sare loogu qaadayo Aqoonta iyo Wacyiga weriyeyaasha ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha, sida; ka warramidda sheekooyinka carruurta waa kuwo aad ugu yar ama naadir ka ah wadanka. Waxaana mararka qaarkood dhacda in iyada oo ay weriyeyaashu doonayaan inay difaacaan carruurta ay horseedaan in ay dhibaateeyaan, oo ay uga warramaan hab-tebin taban oo boog ku ahaata noloshooda oo dhan.

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha Dalladda SIMHA ayaa xusay in seminaarka noocaan ah uu yahay naadir isla markaana looga golleeyahay u qareemidda dhibbaneyaasha iyo in suxufiyiinta yeeshaan awood ay ku shaandheeyaan hor-tebinnada qisooyinka qayb ahaan ka qarsoon warbaahinta ee arimaha carruurta.

“Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad si sax ah uga faa’iideysataan tababarkan, maadaama uu noociisu dhif ku yahay wadanka. Sheekooyinka xuquuqda Aadanaha waa kuwa ugu xooggan ee lagu qiimeeyo kartida iyo hal-abuurka saxafiga” ayuu yiri. Xasan Cali Geesey.

Filashada Ka Qaybgalayaasha

Suxuufiyiinta ayaa ka sokow casharrada ay siinayaan tababarayaasha sare waxa ay sidoo kale yeelan doonaan falanqayno iyo aragti is-dhaafsi, si ay isula helaan sahanka ku habboon halka loo guurayo.

“Hadda waxa ay u badan tahay in aan awood u leeyahay in aan sheeko-wareed ka sameeyo arrimaha carruurta, laakin waxaa dhici karta inay wax badan iga khaldanaan karaan, marka waxa aan filayaa in tababarkan uu i tuso guntinta, si aan si ka sahlan sidii hore ugu qareemo carruurta, oo ah faca na bedelaya ahna dhaxal-sugayaasheenna” ayuu yiri, Cabdullaahi Akhyaar, oo ka mid ah suxufiyiinta nasiibka u yeeshay in uu xaadiro tababarka muhimka ah, isagoo ka yimid dhinaca Jubbaland.

Dardaaranka iyo Gebagabada

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha Dalladda SIMHA, ayaa sheegay in suxufiyiinta looga baahan yahay inay tijaabiyaan waxtarka xirfadda ay halkan ka helaan.

“Waxa aan idinku boorrin lahaa in saxafi walba ee tababarkan soo xaadiray; in marka uu tababarka xirmo khamiista, uu sameeyo hal warbixin, si uu uga dhigto muraayadda uu isku fiirinayo bal isbedelka uu seminnaarka ku soo kordhiyey” ayuu hadalkiisa ku daray, Mudane Geesey oo u mahadceliyey tababarayaasha seminnaarka iyo hay’adda taabagelisay ee Save the Childreen, oo uu sheegay in la’aanted aysan suuragasheen.

Tababarka oo weriyeyaasha ka qaybgalaya ay ka kala yimadeen magaalada Muqdisho iyo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Wadanka, ayaa waxaa la soo gabagabayn doonaa khamiista ay taariikhdu tahay 15 bisha Juun 2023.

 

Previous Post

Minister of Information Da’ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo bogaadiyay barnaamijka bulshada ay ku dhisanayaan Caasimadda

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo bogaadiyay barnaamijka bulshada ay ku dhisanayaan Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo bogaadiyay barnaamijka bulshada ay ku dhisanayaan Caasimadda

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In