Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo tababar Hagaha Saxaafadda ah u furay suxufiyiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 15, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo tababar Hagaha Saxaafadda ah u furay suxufiyiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiir Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng. Yarisow” iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aaadanaha Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta ka furay siminaar lagu horumarinayo saxaafadda Soomaaliya.

Tababarkan ay Wasaaradda Warfaafintu soo qabanqaabisay, oo soconaya muddo laba cisho ah, waxaa ka qaybgalaya suxufiyiin kala duwan oo matalaya Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka, Warbaahinta dowlad-goboleedyada iyo tan sida gaarka loo leeyahay.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in tababarkan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah, oo ay ka qaybgalaan wakiillo ka socda dhamaan suxufiyiinta dalka Soomaaliya.

Mowduucyada lagu baranayo tababarkan, waa kuwo muhiim u ah sare u qaadidda heerka aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Hagaha Saxaafadda (Editorial Guidelines) oo ah mowduuc wax ku ool ah oo keenaya in saxaafaddu qaadato door mas’uuliyadeed oo bulshada loogu adeegayo.

Waxaan u mahadcelinayaa tababarayaasha Cabdiraxmaan Koronto oo ah la Taliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Xuseen Jaabiri, oo labaduba khibrad u leh tababarka suxufiyiinta.” ayuu yiri Eng Yarisow.

“Waxaan ugu baaqayaa suxufiyiinta ka qaybgalaysa tababarkan in ay ka faa’iidaystaan, isla markaana ay u sii gudbiyaan suxufiyiinta kale ee aan nasiibka u yeelan” ayuu raaciyay Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa xustay sida ay lagama maarmaanka u tahay in warbaahintu ay diiradda saarto xuquuqda aadanaha siiba caruurta.

“Warbaahinta dalku, waa in ay ilaalisaa xuquuqda caruurta, oo aysan baahin xog la xiriirta caruurta ama codkooda hadii aysan ogolaansho ka helin waalidka ama cidda mas’uulka ka ah ilmaha aan qaangaarka ahayn.”Ayay tiri Wasiir Deeqo Yaasiin.

Munaasabadda furitaanka tababarka, waxaa kaloo ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaalla) iyo Agaasimaha Tababarada & Shaqaalaha oo dhammaantood tilmaamay ahmiyadda tababarka iyo faa’iidada uu u leeyahay warbaahinta.

Saxafiyiinta, ayaa sheegay in ay ka fa’iidaysan doonaan fursadda la siiyay, isla markaana ay u gudbin doonaan saxafiyiinta kale ee walaalahood ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa ugu dambayntii sheegay in tababarada noocan ah la sii wadi doono, loona qaban doono dhamaan saxafiyiinta, maadaama Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalku matasho dhamaan qeybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, aysanna waxba u reeban doonin sidii sare loogu qaadi lahaa aqoontooda.

Previous Post

SAWIRRO:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Furay Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka

Next Post

Qaban qaabada xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ka socota Muqdisho

Next Post
Qaban qaabada xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ka socota Muqdisho

Qaban qaabada xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ka socota Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In