Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray howlwadeenno la barayay sameynta filimada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray howlwadeenno la barayay sameynta filimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo soo xiray tababar lagu baranayay habka sameynta iyo soo saarista Filimada ayaa sheegay in la joogo waqtigii dib loo soo celin lahaa doorkii ay lahayd Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka Tababarkan oo socday muddo 5 maalmood ayna soo qaban qaabisay Wakaaladda Filimada ee Wasaaradda Warfaafinta waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Ku-simaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen, iyo qaar kamid ah agaasime waaxyada wasaaradda.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Tababarkan oo loo qabtay 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaha Filimada iyo Warbaahinta kale ayaa intii uu socday waxaa lagu baranayay casharo laxiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinayo.

Ku-simaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo maaliyadda mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha tababarka, si bulshada ay ula wadaagaan fariimo wacyigelineed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo si rasmi ah u soo xiray tababarkan wuxuu si weyn uga hadlay muhiimada ay leeyihiin Filimada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo, isagoo dhanka kale xusay in la joogi waqtigii dib loo soo noolayn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaasha tababarkaan iyo macalinkii duruusta bixinayay.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub

Next Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan sagootin ah u sameeyay Wasiiro

Next Post
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan sagootin ah u sameeyay Wasiiro

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan sagootin ah u sameeyay Wasiiro

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In