Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Cumar Carte Qaalib

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Marxuumka ayaa muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025

Allaha u naxariistee Marxuum Cuar Carte Qaalib waxa uu ku dhashay Gobollada Waqooyi ee dalka sanadka marka uu ahaa 1930-kii.

Dowladdii dhexe ee dalka intii  u dhexeysay 1969-77-kii waxa uu ka soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

24-kii Janaayo sanadkii 1991-kii ka hor inta aan la idin dowladdii dhexe ee dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, laakiin inta uusan soo dhisan gole Wasiirada labo maalin kaddib waxaa la riday dowladdii dhexe 26-kii Janaayo 1991-kii.

Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayuu marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu ka noqday Ra’iisul Wasaare intii u dhexeysay 1991-kii ilaa iyo 1993-dii.

Xogta taariikhda: Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay barnaamijka mahadnaqa qorayaasha iyo daahfurka aaladeynta manhajka Qaranka

Next Post

Guddoomiye ku-xigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilalkooda ula wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye ku-xigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilalkooda ula wareegay “SAWIRRO”

Guddoomiye ku-xigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilalkooda ula wareegay “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

November 5, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

November 5, 2025
0

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In