Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Wakiilada Beesha Caalamka ku casuumay kulan ku saabsan mideynta fariimaha Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Wakiilada Beesha Caalamka ku casuumay kulan ku saabsan mideynta fariimaha Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku casuumtay wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah waxaa diiradda lagu saaray mideynta farriimaha iyo macluumaadka hay’adaha qaranka si loo gaaro himilada dowladda ee dib u xoreynta iyo adeeg gaarsiinta bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa soo bandhigay istaraatiijiyadda dowladda ee ku aaddan warbaahinta iyo wacyigalinta bulshada iyada oo loo marayo isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu sameysay xafiiska Isku Xirka Macluumaadka Dowladda( Government Communication Office) oo loogu talo galay jiheynta iyo mideynta farriimaha dowladda ee ku aaddan dagaalka ka dhanka khawaarijta, iyo hirgalinta himilooyinka dowladda ee dib u xoreynta, dayn cafinta, daadajinta adeegyada bulshada iyo in dadka Soomaaliyeed ay gaarto farriinta saxda ah.

Wakiilada beesha caalamka, sida Ku- Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Anita  Kiki Gbeho, Wakiilka Midowga Yurub, Tina Intelmann , Danjiraha Kenya General Thomas Chepkuto, Ku Simaha Safiirka UK Eid Barnett, Chen Wendi Ku Simaha Safiirka China, Haakon Svana Ku Simaha Safiirka Norway iyo madaxa Warbaahinta ee Safaaradda Mareykanka Lary Soche oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay istaraatiijiyadda dowladda ee isku xirka macluumaadka iyo farriimaha dowladda iyo dhismaha Xafiiska Isku Duwidda Howlaha Warfaafinta Dowladda ( GCO ) iyaga oo balan qaaday in ay dowladda ku taagerayaan hirgelinta qorshaha mideysan ee ay la timid.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo gabo-gabada kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyay wakiilada beesha caalamka ka qeyb galka kulanka oo muhiim u ahaa jiheynta iyo horumarinta mideynta farriimaha dowladda iyo gaarsiinta dadka Soomaaliyeed farriinta saxda ah.

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Guddiga Gurmad Qaran oo qabtay munaasabad lagu taakulaynayey Dadkii  hantida uga burburtay Qaraxii Soobe-2

Next Post

Soomaaliya iyo Yemen oo wadahadal labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya iyo Yemen oo wadahadal labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho “SAWIRRO”

Soomaaliya iyo Yemen oo wadahadal labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In