Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Wakiilada Beesha Caalamka ku casuumay kulan ku saabsan mideynta fariimaha Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Wakiilada Beesha Caalamka ku casuumay kulan ku saabsan mideynta fariimaha Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku casuumtay wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah waxaa diiradda lagu saaray mideynta farriimaha iyo macluumaadka hay’adaha qaranka si loo gaaro himilada dowladda ee dib u xoreynta iyo adeeg gaarsiinta bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa soo bandhigay istaraatiijiyadda dowladda ee ku aaddan warbaahinta iyo wacyigalinta bulshada iyada oo loo marayo isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu sameysay xafiiska Isku Xirka Macluumaadka Dowladda( Government Communication Office) oo loogu talo galay jiheynta iyo mideynta farriimaha dowladda ee ku aaddan dagaalka ka dhanka khawaarijta, iyo hirgalinta himilooyinka dowladda ee dib u xoreynta, dayn cafinta, daadajinta adeegyada bulshada iyo in dadka Soomaaliyeed ay gaarto farriinta saxda ah.

Wakiilada beesha caalamka, sida Ku- Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Anita  Kiki Gbeho, Wakiilka Midowga Yurub, Tina Intelmann , Danjiraha Kenya General Thomas Chepkuto, Ku Simaha Safiirka UK Eid Barnett, Chen Wendi Ku Simaha Safiirka China, Haakon Svana Ku Simaha Safiirka Norway iyo madaxa Warbaahinta ee Safaaradda Mareykanka Lary Soche oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay istaraatiijiyadda dowladda ee isku xirka macluumaadka iyo farriimaha dowladda iyo dhismaha Xafiiska Isku Duwidda Howlaha Warfaafinta Dowladda ( GCO ) iyaga oo balan qaaday in ay dowladda ku taagerayaan hirgelinta qorshaha mideysan ee ay la timid.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo gabo-gabada kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyay wakiilada beesha caalamka ka qeyb galka kulanka oo muhiim u ahaa jiheynta iyo horumarinta mideynta farriimaha dowladda iyo gaarsiinta dadka Soomaaliyeed farriinta saxda ah.

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Guddiga Gurmad Qaran oo qabtay munaasabad lagu taakulaynayey Dadkii  hantida uga burburtay Qaraxii Soobe-2

Next Post

Soomaaliya iyo Yemen oo wadahadal labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya iyo Yemen oo wadahadal labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho “SAWIRRO”

Soomaaliya iyo Yemen oo wadahadal labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In