Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga ka jaray mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

Mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo soo socday muddo sannad ah ayaa u suurtageliyey Radio Muqdisho in uu helo qalab casri ah oo noocii ugu dambeeyey ah iyo in Raadiyaha uu yeesho Laba Istuudiyo oo iskumar si siman hawada u geli kara hadii loo baahdo.

Agaasimaha Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/Fataax Dahir Jayte oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda xarig jarka Istuudiyeyaasha ayaa madaxda Wasaaradda ee uu Wasiirka hogaaminayo uga mahad celiyey taageerrada joogtada ah ee ay Raadiyaha la garab taagan yihiin, waxaana uu tilmaamay in qalabkan oo qeyb ka mid ah uu Raadiyahu ka faa’iiday wada shaqeynta BBC Media Action.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daauud Aweys Jaamac oo istuudiyaha 7aad ee Radio Muqdisho ka hadlay ayaa ugu horeyn bogaadiyey hawlwadeennada Raadiyaha isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in hirgelinta mashruucaan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto hormarinta Warbaahinta Qaranka si shacabka Soomaaliyeed loo wacyi geliyo mar walba.

Previous Post

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In