Wednesday, August 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait

November 16, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 6 maalmood ah.

Related posts

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

August 17, 2022

Wasiir Maareeye waxaa safarka Kuwait ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala.

Booqashadan ayaa ka dambeysay markii uu wasiirku casuumaad rasmi ah ka helay wasiirka Warfaafinta Kuwait, Wasiiru dowlaha Dhallinyarada  mudane Salmaan Sabaax Alsaalim  Alxamuud Alsabaax.

In wafdigani uu joogo Kuwait waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax raeer Kuwait ah , oo ay kala hadli doonaan iskaashhiga labada dal iyo labada wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kuwait waxaa Soomaaliya kala dhexeeya xiriir soo jireen ah, waxa ayna ka mid tahay dalalka  taageerada siiya Soomaaliya.

Dowladda Kuwait ayaa dhistay Telefishankii Qaranka Soomaaliya, ka hor intii aysan dhicin dowladdii hore.

Booqashada Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku tagay Kuwait, waxaa la filayaa in ay  waddada u xaarto iskaashi intii hore ka badan oo dhex mara labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Previous Post

QM oo si kumeel gaar ah u joojisay qaxootiga Soomaalida ah ee kenya ka soo laabanaya

Next Post

Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Next Post
Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

August 17, 2022
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta kormeeray waaxyaha iyo qaybaha xarunta Wasaaradda...

Wasiiru Dowlaha W/Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha wasaaradda

Wasiiru Dowlaha W/Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane.Ilyaas Cali Xassan oo wehlinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane...

Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

August 17, 2022
0

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, Kuuriyada Waqooyi ayaa subaxnimadii hore ee maanta laba Gantaal oo nooca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In