Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dalxiiska wuxuu ka qeyb qaadan karaa dib-u-heshiisiinta iyo is dhexgalka Bulshada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS “Dalxiiska wuxuu ka qeyb qaadan karaa dib-u-heshiisiinta iyo is dhexgalka Bulshada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay munaasibadda maalinta Qaran ee Dalxiiska.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in dalxiiskii dalka uu ku yimid burbur soddonkii sano ee lasoo dhaafay, balse ay muuqdaan ifafaallooyin aad u qurux badan, maaddaama ay ka wada socdaan dib u dhis xooggan iyo dib u xorayn.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay dowladdu dhowaan samaysay daraasad ku aaddan sidii dib loogu soo noolayn lahaa dalxiiskii dalka.

Dalxiiska ayuu sheegay in uu qayb ka qaadan karo dhaqaalaha dalka, horumarinta shaqa abuurka, dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshadeenna.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan oo dhinaca dalxiiska ku wanaagsan, dhammaan gobollada dalkuna ay leeyihiin goobo u diyaarsan dalxiiska una baahan oo keliya maalgashi in lagu sameeyo.

Wasiir Aweys ayaa u bogaadiayay una mahad celiyay shirkadaha maxalliga ah ee u istaagay soo noolaynta dalxiiska dalka, kuwaas oo daboolay inta badan shaqadii looga baahnaa hay’adaha dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo hay’adaha waddaniga ah ee ka shaqeeya dalxiiska ayaa isu diyaarinaya xuska 13-ka Septembar oo ah maalinta dalxiiska Soomaaliya.

Previous Post

Ciidamada Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay 10 ka tirsan Khawaarijta

Next Post

Taliyaha guutada 14ka October oo tartan isboorti u furay dhallinyarada Awdheegle “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha guutada 14ka October oo tartan isboorti u furay dhallinyarada Awdheegle “SAWIRRO”

Taliyaha guutada 14ka October oo tartan isboorti u furay dhallinyarada Awdheegle "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In