Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa ka qeyb galay munaasabad abaal marin lagu gudoonsiinayey saxafiyiin ku guuleystay tartartanka diyaarinta warbixino ku saabsan arrimaha bulshada.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta safaarada ingiriinka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ee mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Deeqa yaasiin, kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya mudane Dr Mattew Rowland, xildhibaano iyo wakiilo matalayey ururada saxaafada Soomaaliyed.

Related posts

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026

Munaasabada ayaa ujeedadeedu aheyd siddii abaalmarin loo guddoonsiin lahaa afar saxafi oo ku guuleysatay tartan ku saabsanaa diyaarinta sheekooyin arrimaha bulshada oo hab muuqaal loo diyaarinayey, kaasi oo safaaradda ingiriinska ay ku dhawaaqday Seddexdii Bishii May ee sanadkii hore oo ku beegneyd maalinta saxaafada xorta ah ee caalamka.

Dr Mattew Rowland oo ah kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay safaaradu uqabatay tartanka ay tahay siddii loo dhiiri-gelin lahaa loona muujin lahaa tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed, isaggoo hambalyo udiray saxafiyiintii ku guuleystay abaalmarinta.

Xoghayaha ururka isu tagga saxafiyiinta Soomaaliyeed Mudane Maxamed ibraahim Macalimow ayaa sheegay in abaalmarintani ay dhiiri-gelineyso islamarkaana horumarineyso tayada dhalinyarada saxafiyiinta ah, isaggoo safaaradda Ingiriinka uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin saxafiyiinta Soomaliyeed,.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha Maryam yaasiin oo gabogabadii Munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo ay u ujeediyeen dhalinyarada guuleystay kadib waxay sheegeen in hoggaanka dawladda ay ka go’an tahay in ahmiyad weyn siiyaan xorriyadda hadalka iyo warbaahinta.

Ugu dambeyn qaar kamid ah dhalinyaradii ku guuleytay tartanka oo la gudoonsiiyey shahaadooyin ayaa sheegay inay kufaraxsanyihiin abaalmarinta la gudoonsiiyey.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria “Sawirro”

Next Post

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane...

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026
0

Hey'adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanator Xasan Kobac ayaa maanta Deeganka Maroodile Ka daah durtay Wajiga Labaad...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

February 22, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In