RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daaโuud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxday Allah ha u naxariistee marxuumad Maryan Naasir Cali oo kamid ahayd fanaaniinta Qaranka.
Allaha u naxariistee Marxuumad Maryan Naasir Cali ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Wasiir Daaโuud Aweys Jaamac, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda fanka, isagoo Allah uga baryey in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumadda, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo.
Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN










