Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

Wasiirka ayaa ku xigeenka Ergeyga uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaashey shaqada ay ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

Wasiirka ayaa sidoo kale ku xigeenka Wakiilka uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan Qaran sannadkii la soo dhaafey.

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rajada, isla markaana ku tallaabsatey guulo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran. Waxay sidoo kale ka mahad celisay wadashaqeynta iyo soo dhaweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka hawlgaleysay.

Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga. Waxaana dhammaadka bishan ay qaban doontaa xilka ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna Madaxa Isku-Duwidda Arrimaha Gargaarka Bani’aadminimada.


Previous Post

Kulan looga hadlayay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah oo ka qabsoomay xarunta SoDMA

Next Post

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay kor u qaadidda xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal

Next Post
Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay kor u qaadidda xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay kor u qaadidda xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In