Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab

November 14, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii loo cirib tiri lahaa Arggagixisada AL Shabaab,iyadoo kaashanaysa taageerada ay siinayaan Saaxiibada Caalamka,iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka oo nugul kamid ah uu soo gaarey Wakaaladda SONNA ayaa lagu yiri.

Related posts

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022

“Weerarada dhanka circa ah iyo howlgalada Militari ee ka socda Soomaaliya waa kuwo aad looga baaran degay,madaxdana waxay doonayaan in aan waxba la gaarsiin shacabka,weerarkasta oo dhaca,si shacabka bad baado ay u helaan”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Warfafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen ciidanka Xoogga Dalka oo wada howlgaladaasi waxaana uu yiri”

“Nuguma filna in aan dhahno waad mahadsantihiin oo kaliya tageerada aad muujiseen qarixii ka dhacay Soobe 14kii October,in la helo taageerada iyo maskasda Shacabka waa furaha guusha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,dowladda Soomaaliyana waxaa ay wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab,sida duqeynta circa ah si looja jawaabo mashaqadii ay Shacabka u geysteen”. Ayuu yiri Wasiir En Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybohooda kaladuwan oo kaashanaya Ciidamada Amisom ay dalka ka xoreyn doonaan Alshabaab,iyagoo sidoo kale kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

Previous Post

Shir looga hadlayo Amniga oo Maanta ka furmaya Kismaayo

Next Post

Guddigii Dhaqaalaha ka soo Uruuriyay Soomaalida Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Next Post
Guddigii Dhaqaalaha ka soo Uruuriyay Soomaalida Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Guddigii Dhaqaalaha ka soo Uruuriyay Soomaalida Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacabay La Taliyeyaal cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacabay La Taliyeyaal cusub

May 26, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In