Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Cumar Cali Rooble ayaa kulan sagootin ah hoygiisa magaalada Muqdisho ugu sameeyay qaar kamid ah Culimada Soomaliyeed.
Culumadan oo ka kala timid dalalka Itoobiya , Kenya & gobalada waqooyi gaar ahaan magaalada Hargeysa ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ugu qeyb gashay Bandhiga kutubta Culumaa-udiinka Soomaaliyeed.
Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa hoygiisa sidiiran ugu soodhaweeyay Culumada waxa uuna uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga qeyb galeen Bandhiga, wuxuuna ugu baaqay in la adkeeyo midnimada Culumada Soomaliyeed.
Qaar kamid ah Culimada oo halkaasi ka hadley ayaa ku amaanay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruha Xukuumadda iney u magacaaben Wasaardda Awqafta ,shaqsi mudan oo leh Aqoon Diineed oo aad u sareysa.
ugu danbeyn Culumada ayaa uga mahadcelisay wasiirka soo dhawaanta uu usameeyay waxa ayna bogaadiyeen dadaalka horumarineed oo ay waddo wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.