Thursday, May 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi ah uga furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka, taasi oo qeyb ka ah xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka 8-da Maarso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar oo Munaasabadda kalmad soo dhaweyn ah ka jeediyey ayaa tilmaamay in qabashada Bandhiggan ay Wasaaradda Qoyska uga dan leedahay dhiiri gelinta Haweenka Ganacsatada ah ee Soomaaliyeed islamarkaana ay Wasaaraddu door biday inta xiligan adag la xafladeyn lahaa in la caawiyo Haweenka Soomaaliyeed noocyadooda kala duwan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed Xersiyo Cabdulle Siyaad oo magaca Haweenka Ganacsatada ku hadashay iyo Duniyo Maxamed Cali oo magaca ururrada Haweenka ku hadashay ayaa si wadajir Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya uga mahad celiyey hal abuurkaan lagu dhiiri gelinayo Haweenka Ganacsatada ah iyo kuwooda danta yar.

Xoghaya guud ee maamulka gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud oo magaca maamulka gobolka Banaadir ku hadashay ayaa iyana dhankeeda uga mahad celisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya sida ay sanadkan Bandhiggan usoo qaban qaabiyeen maadaama tani fursad weyn u tahay Haweenka Soomaaliyeed guud ahaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo si rasmi ah u furtay Bandhigga ganacsiga Haweenka ayaa sheegtay in maadaama dalku xaalado adag ku jiro ka Wasaarad ahaan go’aankaan u qaateen islamarkaana aanan lagu dhiiri gelineyn Haweenka ganacsatada kaliya ee sidoo kale lagu garab istaagayo Haweenka guud ahaan maadaama uu Bandhigga qeyb ka yahay baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la’aan loogu sameynayo Haweenka.

Sanad kasta Soomaaliya waxa ay si weyn u xustaa Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka 8da Maarso balse sanadkaan waxaan go’aansanay inaan si ka duwan sidii hore u xusno anaga oo fursado ugu abuureeyna Haweenkeenna Ganacsatada ah, sidoo kale inta Bandhiggaan uu socdo waxaa lagu caawin doonaa Haweenka danta yar oo heli doona baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la’aan ah.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In