Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda XFS oo ka qeybgalay xuska maalinta akhris-qoraalka

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda XFS oo ka qeybgalay xuska maalinta akhris-qoraalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji, oo ay weheliyaan Agaasime Goboleedka Hay’add UNESCO, Sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa manta ka qeybgalay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusaayay Xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka.

Hadal uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ka jeediyay Xaflada, ayuu ku yiri “ Waxaa Sharaf u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya in ay xusto munaasabadda maalinta caalamiga ee akhris-qoraalka oo sannad walba dunnida laga xuso maanta oo kale oo ku beegan 8-da September”.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa sidokale sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya, ay ka go’an tahay inay dhiiri-geliso barnaamijyada kor loogu qaadaayo akhris-qoraalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan xirfadaha akris-qoraalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dhammaan dadaallada ay wadaan bah-wadaagta Waxbarashada ee looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in arday kasta oo Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay waxbarasho sida ku cad qodobka 30aad ee dastuurka Qaranka,

Cabdullaahi Xaaji Abuukar, Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  ayaa u mahad celiyay Hay’adaha UNESCO iyo USAID oo dawladda Soomaaliya ka caawiyay xuska munaasabaddan qiimaha badan, iyadoo sidoo kale loo mahad celiyay hawl-wadeennada isku hawlay diyaarinta munaasabadda.

 

Previous Post

Dagaallo ka dhacay Yeman oo logu dilay  60  ka mid ah maleeshiyaadka Xuutiyiinta

Next Post

Shir looga hadlayo maareynta biyaha oo maanta Muqdisho ka furmay +Sawirro

Next Post
Shir looga hadlayo maareynta biyaha oo maanta Muqdisho ka furmay +Sawirro

Shir looga hadlayo maareynta biyaha oo maanta Muqdisho ka furmay +Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In