Wasiirka Waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Ibraahim Xassan Guureeye oo u wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas Ilyaas Maxamuud Xuseen iyo mas’uuliyiin dhinaca waxbarashada ah ayaa maanta kormeer ku tegay Iskuulada ku yaal degmada Cadaado.
Wasiirka ayaa kormeeray 9-Iskuul oo hoose, dhexe iyo sare isugu jira, Iskuulo burburay iyo dhul banaan oo Iskuulo cusub laga dhisayo, waxaana uu maamulada Iskuulada ka dhagaystay baahiyada ay ku shaqeeyaan.
Cusmaan Aaden Maalin waa maamulaha Iskuulha Suldaan Axmed-nuur ayaa sheegay in Iskuulka uu maamulaha ka yahay dayac badani haysto, uusana lahayn musqulo, hool ay xafladaha ku qabtaan iyo darbi, taas oo hadii aan wax laga qaban tayada waxbarashada sii xumaynaysa.
ILyaas Maxamuud Xuseen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in tayada waxbarashada ay wax badan ka qabandoonaan, sidoo kalena ay waxbarashada Haweenka dhiirigalin u samaynaayan.
Ugu dambayn Wasiirka Waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye ayaa sheegay in si deg deg ah ay kaga jawaabayaan baahiyada ugu daran ee Iskuulada maanta uu kormeeray ay qabaan.
Maxamuud Cabdi Diirshe