Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Cabdi Xaanshi oo booqasho ku jooga dalka Suudaan ayaa la kulmay wasiirka waxbarashada dalkaas, Drs Sumayah Abuu Kashwah, ayagoo ka wada hadlay sidii wada shaqeynta ka dhexeysa loo xoojin lahaa.
Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Suudaan waxaa uu ka codsaday in la kor dhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan ku caawiso dhalinyarada Soomaaliyeed.
Kulanka ay wada yeesheen labada dhinac ayaa waxaa goob joogka ahaa danjiraha Soomaaliya u jooga dalkaas Maxamed C/laahi Ugaas, u qeybsanaha hidaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Dr. C/qaadir Guulane iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay abaal badan u gashay shacabka Soomaaliyeed mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa isla markaana hadda ay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyneyd ee labada wasaaradood.
Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa wasiirka waxbarashada dalka Suudaan, Drs Sumayah Abuu Kashwah, waxaa uu ka dalbaday in deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka heleyso Suudaan ay u badnaayeen shahaadada koowaad ee Jaamacadda isla markaana hadda loo baahan yahay in ay ku soo daraan qeybaha kale sida Master iyo PhD.
Sidoo kale, Drs Sumayah Abuu Kashwah oo ah wasiirka waxbarashada dalka Suudaan ayaa aad u soo dhaweesay codsiga wasiirka iyadoo sheegtay in ay diyaar u yihiin wax walbo oo ay u baahan yihiin ayna ka saacidi doonaan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxayna amaantay doorka muuqda ee ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan kaalmaha ay ka galaan jaamacadaha Suudaan.
W/D: Cabaas Maxamed Nuur