Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada oo la kulmay dhigiisa dalka Suudaan-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada oo la kulmay dhigiisa dalka Suudaan-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Cabdi Xaanshi oo booqasho ku jooga dalka Suudaan ayaa la kulmay wasiirka waxbarashada dalkaas, Drs Sumayah Abuu Kashwah, ayagoo ka wada hadlay sidii wada shaqeynta ka dhexeysa loo xoojin lahaa.

Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Suudaan waxaa uu ka codsaday in la kor dhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan ku caawiso dhalinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Kulanka ay wada yeesheen labada dhinac ayaa waxaa goob joogka ahaa danjiraha Soomaaliya u jooga dalkaas Maxamed C/laahi Ugaas, u qeybsanaha hidaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Dr. C/qaadir Guulane iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay abaal badan u gashay shacabka Soomaaliyeed mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa isla markaana hadda ay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyneyd ee labada wasaaradood.

Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa wasiirka waxbarashada dalka Suudaan, Drs Sumayah Abuu Kashwah, waxaa uu ka dalbaday in deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka heleyso Suudaan ay u badnaayeen shahaadada koowaad ee Jaamacadda isla markaana hadda loo baahan yahay in ay ku soo daraan qeybaha kale sida Master iyo PhD.

Sidoo kale, Drs Sumayah Abuu Kashwah  oo ah wasiirka waxbarashada dalka Suudaan ayaa aad u soo dhaweesay codsiga wasiirka iyadoo sheegtay in ay diyaar u yihiin wax walbo oo ay u baahan yihiin ayna ka saacidi doonaan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxayna amaantay  doorka  muuqda ee ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan  kaalmaha ay ka galaan jaamacadaha Suudaan.

IMG_20160905_131548 IMG_20160905_131607 IMG_20160905_131620 IMG_20160905_131658 IMG_20160905_131711 IMG_20160905_131718 IMG_20160905_131815 IMG_20160905_131820 IMG_20160905_131831

W/D: Cabaas Maxamed Nuur

Previous Post

Mashaariic horumarineed oo laga bilaabay degmada Kaxda-Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 6-9-2016

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 6-9-2016

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In