Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada XFS oo kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya+Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada XFS oo kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Kulanka ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyo  iskaashiga dhanka waxbarashada, waxana kulanka goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Yuusuf Xassan iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Related posts

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida markasta ay u garab tagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarashada.

“Waxaan kulan sagootin ah ugu sameeyay  danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya  Ambasador. Maxamed Yuusuf Ibraahim, waxaan ka wada hadalnay, xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dalka, dowladda Suudaan waxay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho siiya dalkeenna, hadda waxaa jaamacadaha Suudaan wax ka dhigta ardey badan oo Soomaaliyeed”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa guul u rajeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim, isagoo bogaadiyay hawshii uu dalka ka qabtay mudadii uu joogay.

Ambasador Maxamed Yuusuf Ibraahim ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay isagoo ballan qaaday in dowladda Suudaan ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinaya dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay, waxaan u mahad celinaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa wasaaradda waxbarashada, oo si wanaagsan aan u soo wada shaqeynay”ayuu yiri danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maalintii shalay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul  oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta oo kulan la qaatay madaxa rrrimaha Diinta Turkiga+Sawirro

Next Post

Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq+ Sawirro

Next Post
Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq+ Sawirro

Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq+ Sawirro

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
0

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay safiirrada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

February 18, 2026
0

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In