Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Madaxa USAID u qaabilsan Waxbarashada iyo Caafimaadka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Madaxa USAID u qaabilsan Waxbarashada iyo Caafimaadka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa hay’adda USAID u qaabilsan adeegga bulshada, gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka, Mr. Kevin Smith.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogta ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xassan Yuusuf, iyo Iimaan Yaroow oo ka socday USAID.

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in madaxa USAID u qaabilsan adeegga bulshada, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka ay ka wada hadleen ,xoojinta tageeradda farsamo iyo mida dhaqaale ee  USAID ka geysto horumarinta waxbarashada dalka.

“Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay, madaxa hay’adda USAID u qaabilsan adeegga bulshada,arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah, sidii ay u xoojin lahayeen taageerada farsamo iyo mida dhaqaale ee ay ka geystan, horumarinta waxbarashada dalka’ayuu yiri mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sharaxaad ka siiyay halka ay mareyso waxbarashada dalka, gaar ahaan manhajka cusub, tababarka macalimiinta,tacliinta sare iyo xiriirka wasaaradda kala dhexeeya wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada.

Madaxa USAID u qaabilsan adeegga waxbarashada iyo caafimaadka Mr. Kevin Smith ayaa bogaadiyay dadaalka wasaaradda waxbarashada ay ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka isagoo ballan qaaday in USAID ay wasaaradda ku garab istaagi doono horumarinta waxbarashada.

“Waxaan bogaadinaya howsha ay qabtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, waxaan ballan qaadaya in aan idinku garab istaagi doono, sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka’ayuu yiri Kevin Smith.

Wasaaradda waxbarashada dalka ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 macalin oo wax ka dhigi doono dugsiyo ku yaala gobolka Banaadir kuwaasoo ay gacanta ku heyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay garsoorka “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay garsoorka “Sawirro”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay garsoorka “Sawirro”

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In