Wasiirka Waxbarashadda Galmudug iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka qayb galey munaasabad ay ku qalin jabinayeen boqol arday oo dhameysatey heerka koowaad ee jaamacada.
Munaasabadan ay ku qalin jabinayeen boqol arday oo dhameysatay heerka koowaad ee waxbarashada bacholerka, kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Plasma ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, xildhibaano, maamulka jamacadda, waalidiin ,dhakhaatiir, aqoonyahano ardayda jaamacadda Plasma iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi dhoore iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Galmudug Cusmaan Macalin Xassan ayaa ugu dambeyn hambalyo u dirtay arday dhameysatay heerka koowaad waxbarashada ee jaamacadda Plasm, iyagoo kula dardaarmey in ay ku dadaalan sidii ay u sameysan lahaayeen shaqo abuur ayaga u gaar ah.