Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland oo sheegay inay wadaan qorshe lagu horumarinayo xoolaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland oo sheegay inay wadaan qorshe lagu horumarinayo xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Nuur Cali Cabdullaahi ayaa digniin ka soo saaray tacadiyada loo geysto Xayawaanka, isgoo inta ku daray inay wadaan qorsheyaal lagu horumarinayo dhaqashada xoolaha.

Mudane Maxamed Nuur oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in digniinta ay timid markii ay xafiiskooda ay soo gaareen cabashooyin dhowr ah, ayna ka go’antahay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii lagu arka iyada oo ku xadgubeysa Xayawaannada dhanka gaadiidka loogu adeegsado iyo dhaanka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

“Waxaa maalmahan dambe Wasaaradda soo gaarayay dacwado la xiriirta tacadiyo lagula kacayo gaadiidka la rarto, gaar ahaan Dameeraha, Dibiyada iyo Awrta, maadaama ay Wasaaradda ay waajib ka saarantahay inay ilaaliso xaquuqda xayawaanaadka iyo dhaanka ee ana hadli Karin waana rajeynayaa in digniinta ay dhaqan gasho, waxaana ka dignay in la ilaaliyo gaadiidka la rarto oo dhanka wanaagsan loogu adeegsado oo aan la siinin daroogo si loogu shaqeysto waqti dheeraad ah”. Ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xusay inay wadaan wacyigelin la siinayo bulshada, si ay habka wanaagsan uga faa’iideystaan xoolaha.

“Wasaaraddu waxa ay sidoo kale wadaa horumarinta xoolaha, si suuq loogu helo xoolaha dalka, dadka xoolo dhaqatadana lagu dhirigeliyo dhaqashada xoolaha, maadaama ay jiraan dad badan oo ku tiirsan dhaqashada xoolaha, lagana hortago xaalufinta deegaanka”. Ayuu yiri Maxamed Nuur.

Maxamed Nuur Cali Cabdullaahi ayaa ugu dambeyn tilmaamay inay qaban doonaan tababaro la siinayo xoola dhaqata ayna jiri doonaan guddi kormeera arrintaas, isagoo intaa ku daray inay jiraan dhakhaatiir Wasaaradda u diiwaangashan oo baaris ku sameeyo faya dhowrka xoolaha la gowracayo.

Previous Post

Wasaaradda shaqada oo daah furtay shirweyne ku saabsan xirfadaha shaqada iyo farsamada gacanta

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo khasaare xoog badan ka soo gaartay qarax ka dhashay gaari ay wateen

Next Post
Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo khasaare xoog badan ka soo gaartay qarax ka dhashay gaari ay wateen

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo khasaare xoog badan ka soo gaartay qarax ka dhashay gaari ay wateen

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In