Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qayb galay shirka Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha oo lagu qabtay dalka Jarmalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qayb galay shirka Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha oo lagu qabtay dalka Jarmalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka qeybgalay Shir weynaha Caalamiga ah ee 12-aad ee Wasiirada Cuntada iyo Beeraha ee Golaha Cuntada iyo Beeraha Aduunka oo ka dhacay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeyn Wasiirka Cuntada iyo Beeraha ee Dalka Jarmalka Julia Klöckner iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka ee (FAO) Qu Dongyu Iyo Wasiiiro Kale

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo inay gacan ka geystaan dhiirigelinta iyo garab istaagaan wax-soo saarka iyo dhoofinta Cuntada Soomaaliyeed, sida Xoolaha, Dalagga Beeraha iyo Kalluumeysiga, loona baahanyahay in laga taakuleeyo dhinacyada qalabka iyo tababrsiinta si sare loogu qado aqoontooda, ayna ula jaanqaadaan isticmaalka tiknolojiyadda casriga ah ee Horumarinta Wax soosaarka loogu talogalay si uu dalkeeno u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Dhinaca kale kulanka Wasiirka iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka (FOA) ayaa waxay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wax soorka Cuntada, lana horumariyo Caafimaadka Xoolaha, Daaqa, Dib u dhiraynta Dhulka laga xaalufiyay Dhirta iyo in si gaar ah loogu kaalmeeyo Dowladda Soomaaliya ka hortagga Ayaxa oo dhibaato ba’an ku haya Deegaanno farabadan oo dalka ka mid ah, kaa soo inta badan aafeeyay dalagyadii ka soo go’ayay beeraha iyo dhulka Daaqsinka ah ee Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ku nool yihiin.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Xoolaha Dowladda Sacuudiga Dr. Hamad Al -Batshaan ayaa waxay isla garteen in la xoojiyo kor uqaadista Dhoofka Xoolaha Soomaliyeed, isla markaana ay sidhow uga wada shaqeeyaan sidii xanibaadda looga qaadi lahaa dhoofka Xoolaha nool ee Soomaaliya waqtiga Xajka ah ee sanadkan 2020.

Ugu dambeyn Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa dhamaan madaxdii uu la kulmay u bidhaamiyay in Soomaaliya oo hodan ku ah Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga ay diyaar u tahay inay dunida la jaan qaado, isla markaana wax soo saarkeeda tayada badqabka leh ay u iibgeyso dalal badan oo xiriir ganacsi la leh, si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Maaliyadda oo tababar u soo xiray shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyey Addis-ababa+sawirro

Next Post
Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyey Addis-ababa+sawirro

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyey Addis-ababa+sawirro

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In