Saturday, August 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlay dhoofka Xoolaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 30, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlay dhoofka Xoolaha Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo casumaad rasimi ah ka helay Wasiirka Wasaaradda Bii’ada, Beeraha, Xoolaha iyo Biyaha ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Abdulrahman Al-Fadhli ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Malik Khaalid Riyaad ee dalka Sacuudi Arabiya.

Soo dhaweynta kadib labada Wasiir ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga wada hadleen  sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Waddan, gaar ahaan wadashaqaynta  labada Wasaaradood iyo sidii si rasmiya xayiraadda looga qaadi lahaa Xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo Dalka Sacuudiga, loona gaari lahaa Xal waara.

Related posts

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

August 9, 2025

Dhinaca kale qubarada labada Wasaaradood ayaa yeesha shirar gaar gaar ah oo muhimadiisu ahayd in si rasmiya xayiraadda looga qaado dhoofka Xoolaha Soomaaliyeed, Dhinaca Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalay kana mid ahaa wafdiga Wasiirka  Agaasimaha Guud Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa  Mudane Maxamed Cumar Nuur, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo kahortagga Cudurada Xoolaha Mudane Cabdirixmaan Nuur Garish iyo lataliyaha Dhoofka  iyo Suuq gaynta Xoolaha Madane Cali Maxamed Galool.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa dhinaca  kale kulamo gooni gooniya la qaatay  Madaxa Hay’adda Maalgelinta Dibadda ee Xoolaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga (SALIC) Mudane Sulaiman AlRumaih iyo  ku Xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Mansur Mukhtar  oo ay ku kulmeyn xaruunta bangiga ee magaalada Jeddah, waxeyna isla soo qaadeyn muhiimada ay leedahay in la taageero xoolo dhaqatada Soomaaliyeed Baahiyahooda dhinacyada waraabka Biyaha, Daaqa, Daaweynta iyo in la dhiirigeliyo in si rasmiya xayiraada looga qaado Xoolaha Soomaaliya taas oo fududeyn doonta ganacsi balaaran oo ay ka wada faaiideystaan labada dhinac, iyadoo Soomaaliya ay taasi u suurogelin karto kobac dhaqaale, maadaama xoolaha ay ka midyihiin ilaha ugu muhiimsan lafdhabartana u ah Kobaca dhaqaalaha iyo Shaqo Abuurka.

Sigaar ah waxay bangiga isl#aamka uga wadahadleen dardargelinta barnaamijka Dhoofinta Ariga ee waqtiga Xajka iyo inuu Bangiga sii XO#ojiyo mudnaanta uu horayba usiin jiray dhoofka Xoolaha Soomaliya ee waqtiga Xajka.

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa booqday xarunta Malik Cabdulcasiis ee Fardaha Carabta ee Asalka ee Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Previous Post

Guddiga Hirgelinta Doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi Somaliland oo diiwaangeliyay ergooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Xoghaynada Xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir oo loo furay tababar

Next Post
Xoghaynada Xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir oo loo furay tababar

Xoghaynada Xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir oo loo furay tababar

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

August 9, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose,...

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

August 8, 2025
0

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj oo ka qeybgalay kulanka todobaadka  waraahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal...

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

August 8, 2025
0

Ku xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa cambaareeyay qorshaha Golaha wasiirada Israa’iil ay ku saxiixeen in ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In