Mashruucan oo loogu talagalay in cudurka ku dhaca sambabka ariga looga talaalo In ka badan Afar iyo Toban milyan oo ku dhaqan dalka oo dhan ayaa waxaa daah-furay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.
Munaasabada daah-furka sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, Wasiirada Xanaanda xoolaha ee maamul goboleedyada, dhaqaatiir, Iskaashatooyinka iyo Ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha iyo Wakiilo ka socday hey’addaha caalamiga ee Taageere wax soo saarka Xoolaha.
Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Cabdirisaaq Daahir Maxamuud iyo Wasiirka Xananada Xoolaha ee Hirshabelle Maxamed Ibraahim Cali ayaa ku taliyay in laga wada qeyb qaato horumarinta Caafimaadka Xoolaha.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daah-furay ayaa sheegay In talaalkaan uu qeyb ka yahay olole Balaaran oo ay wasaaraddu ugu talagshay horumarinta caafimaadka xoolaha lagana fulin doono dalka oo dhan.
Dhinaca kale wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay inay ka wasaaradda Xanaanada xoolaha ahaan ay ku guuleysteyn qodobo badan oo ka mid ah barnaamijkii 100-ka maalmood ee uu kula balamay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble .
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa wada dadaalo is dabajooga oo ay ku Hormarineyso caafimaadka xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee uu dalkeeno ku Xisaabtamo.