Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo  Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Soomaliya mudane Siciid Xuseen Ciid  ayaa magaalada Jaboouti uga qayb galay Shirka Daah-Furka Shirka Dib-u-eegista Qaababka cusub ee Ganacsiga Xoolaha iyo ka hortaga Cudurka Rif Valley Fever ee Wadamada Bariga Africa iyo Bariga Dhexe kaasoo 21-kii bishaan ka furmay Magaalada Jabouti, Shirka waxaa diirada lagu saaraya sidii looga hortagi lahaa dib usoo ruqaansi cudurka Rift Valley kadib daadadka iyo roobabka waaweyn ee kusoo noqday qaybo ka mid ah gobolka, waxaa sidoo kale xooga lagu saaray saamaynta ganacsiga iyo doorka wadamada gobolka ee kuwa bariga Africa iyo Bariga Dhexe oo ah dalalka dhoofiya iyo kuwa loo dhoofiyo ay ku leeyihiiin iskaashiga ka hortaga cudurada faafa iyo iskaashi  laga yeesho horumarinta ganacsi xoolo oo ka maran cudurada faafa.

Shirka waxaa so qabanqaabiyay ururka Caafimaadka Xoolaha Aduunka(OIE) waxana daahfuray Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Jabuuti Maxamed Farax Ducaale oo sheegay muhiimada Shirka u leeyahay dalaka gobolka guud ahaan,waxaa Shirka si weyn loogu xusey doorka muuqda ee Somaliya ku leedahay kahortaga cudurada maadaama ay tahay dalka ugu weyn ee dhoofiya Xoolaha nool gobolka Bariga Africa waxaana la aqoonsadey isbedelka muuqda ee Somalia ka gaashay caafimaadka Xoolagha iyo daaweyntooda iyadoo kaashanaysa Ururdada Gobolka iyo Kuwa caalamiga ahba,

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Waxa Shirka kasoo qaybgalay wakiiilo ka socda dalalka Khaliijka iyo Bariga dhexe iyo Wakiilada Heyadaha Caalamiga ah ee Daneeya Xoolaha iyo Caafimaadka OIE,FAO,WHO,IGAD,AU-IBAR iyo kuwo kale oo badan

Waxaa Shirka Soomaaliya uga qayb galay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid,Agaasiimaha Caafimaadka Ee Wasaarada Dr.Axmed Cabdi Geedi iyo Libaan Xasan Xaaji Kaaliya Wasiirka,Drs.Xabiiba Shiikh Xasan.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowlada Federalka waxay indhawayd dedaal weyn ugu jirtaa sidii loo soo nooleyn lahaa doorka Wasaarada ee horumarinta doorka kheyraadka Xoolaha ee dhaqaalaha dalka,iyadoo dhiirigalinayo dhoofinta iyo daryeelka xoolaha,lagana dhaadhicinayo saxiibada ganacsiga iyo dalalka daneeya xoolaha Soomaaliya in kor u qaadaan maalgashigooda ku aadan Xoolaha Soomaliya.

_MG_0320 _MG_0405 _MG_0412

Previous Post

Midowga Yurub oo howl-gal la mid ah midka Burcadbadeedda Soomaalida u adeegsanaya Tahriibeyaasha

Next Post

Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

Next Post
Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In