Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo  Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Soomaliya mudane Siciid Xuseen Ciid  ayaa magaalada Jaboouti uga qayb galay Shirka Daah-Furka Shirka Dib-u-eegista Qaababka cusub ee Ganacsiga Xoolaha iyo ka hortaga Cudurka Rif Valley Fever ee Wadamada Bariga Africa iyo Bariga Dhexe kaasoo 21-kii bishaan ka furmay Magaalada Jabouti, Shirka waxaa diirada lagu saaraya sidii looga hortagi lahaa dib usoo ruqaansi cudurka Rift Valley kadib daadadka iyo roobabka waaweyn ee kusoo noqday qaybo ka mid ah gobolka, waxaa sidoo kale xooga lagu saaray saamaynta ganacsiga iyo doorka wadamada gobolka ee kuwa bariga Africa iyo Bariga Dhexe oo ah dalalka dhoofiya iyo kuwa loo dhoofiyo ay ku leeyihiiin iskaashiga ka hortaga cudurada faafa iyo iskaashi  laga yeesho horumarinta ganacsi xoolo oo ka maran cudurada faafa.

Shirka waxaa so qabanqaabiyay ururka Caafimaadka Xoolaha Aduunka(OIE) waxana daahfuray Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Jabuuti Maxamed Farax Ducaale oo sheegay muhiimada Shirka u leeyahay dalaka gobolka guud ahaan,waxaa Shirka si weyn loogu xusey doorka muuqda ee Somaliya ku leedahay kahortaga cudurada maadaama ay tahay dalka ugu weyn ee dhoofiya Xoolaha nool gobolka Bariga Africa waxaana la aqoonsadey isbedelka muuqda ee Somalia ka gaashay caafimaadka Xoolagha iyo daaweyntooda iyadoo kaashanaysa Ururdada Gobolka iyo Kuwa caalamiga ahba,

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Waxa Shirka kasoo qaybgalay wakiiilo ka socda dalalka Khaliijka iyo Bariga dhexe iyo Wakiilada Heyadaha Caalamiga ah ee Daneeya Xoolaha iyo Caafimaadka OIE,FAO,WHO,IGAD,AU-IBAR iyo kuwo kale oo badan

Waxaa Shirka Soomaaliya uga qayb galay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid,Agaasiimaha Caafimaadka Ee Wasaarada Dr.Axmed Cabdi Geedi iyo Libaan Xasan Xaaji Kaaliya Wasiirka,Drs.Xabiiba Shiikh Xasan.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowlada Federalka waxay indhawayd dedaal weyn ugu jirtaa sidii loo soo nooleyn lahaa doorka Wasaarada ee horumarinta doorka kheyraadka Xoolaha ee dhaqaalaha dalka,iyadoo dhiirigalinayo dhoofinta iyo daryeelka xoolaha,lagana dhaadhicinayo saxiibada ganacsiga iyo dalalka daneeya xoolaha Soomaaliya in kor u qaadaan maalgashigooda ku aadan Xoolaha Soomaliya.

_MG_0320 _MG_0405 _MG_0412

Previous Post

Midowga Yurub oo howl-gal la mid ah midka Burcadbadeedda Soomaalida u adeegsanaya Tahriibeyaasha

Next Post

Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

Next Post
Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In