Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiiro booqday xaruntii uu qaraxa maanta ka dhacay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Wasiiro booqday xaruntii uu qaraxa maanta ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa maanta booqday xarunta Degmada Wadajir oo kooxo argagixiso ka tirsan Al-Shabaab ay la eegteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Mas’uuliyiinta ayaa soo kormeeray xarunta degmada iyo hareeraheeda oo ah halka uu saameeyay qaraxa, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen oo u badnaa shacab iyo maamul ku sugnaa xarunta degmada.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Dadkii ku dhaawacmay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Axmed Cabdullaahi Xasan, Xoghayaha degmada, Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee degmada, iyadoo uu bur buray dhismaha xarunta Degmada iyo dhismayaal kale oo xarunta ka agdhawaa.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa sidoo kale booqday dhaawacyada la gaarsiiyay isbitaalada qaar, gaar ahaan Isbitaalka kuwaasi oo u kuurgalayay xaaladda dadkii ku soo dhaawacmay falkaasi argagixiso.

Madaxa caafimaadka ee Isbitaal Madiina Duniyo Axmed Cali oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa tilmaamtay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 14 ruux, kuwaasi oo qaarkood xaaladooda caafimaad ay iminka liidato, halka ay jiraan kuwa qaba dhaawacyo fudud.

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqatay Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan oo la dhigay 15 ruux oo ku dhaawacmay qaraxii maanta ayaa xog ka dhageysatay xaaladda bukaanada Agaasimaha Isbitaalka oo u sheegay in labo ka mid ah dhaawacyada maanta ay yihiin kuwa aad u daran xaaladooda caafimaad, waxaana ay Alle uga bariday in uu janada ka waraabiyo dadkii ku dhintay halka kuwa ku dhaawacmay ay Alle uga bariday in uu bogsiiyo.

Gaariga ku qarxay xarunta Degmada ayaa ahaa nuuca loo yaqaan Hoomeey oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiilkii ku guuleystay Tartankii Qur’aanka ee lagu qabtay Tanzania “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In