Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiiro booqday xaruntii uu qaraxa maanta ka dhacay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 20, 2017
in Keyd Hore, Wararka
0
Wasiiro booqday xaruntii uu qaraxa maanta ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa maanta booqday xarunta Degmada Wadajir oo kooxo argagixiso ka tirsan Al-Shabaab ay la eegteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Mas’uuliyiinta ayaa soo kormeeray xarunta degmada iyo hareeraheeda oo ah halka uu saameeyay qaraxa, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen oo u badnaa shacab iyo maamul ku sugnaa xarunta degmada.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Dadkii ku dhaawacmay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Axmed Cabdullaahi Xasan, Xoghayaha degmada, Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee degmada, iyadoo uu bur buray dhismaha xarunta Degmada iyo dhismayaal kale oo xarunta ka agdhawaa.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa sidoo kale booqday dhaawacyada la gaarsiiyay isbitaalada qaar, gaar ahaan Isbitaalka kuwaasi oo u kuurgalayay xaaladda dadkii ku soo dhaawacmay falkaasi argagixiso.

Madaxa caafimaadka ee Isbitaal Madiina Duniyo Axmed Cali oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa tilmaamtay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 14 ruux, kuwaasi oo qaarkood xaaladooda caafimaad ay iminka liidato, halka ay jiraan kuwa qaba dhaawacyo fudud.

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqatay Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan oo la dhigay 15 ruux oo ku dhaawacmay qaraxii maanta ayaa xog ka dhageysatay xaaladda bukaanada Agaasimaha Isbitaalka oo u sheegay in labo ka mid ah dhaawacyada maanta ay yihiin kuwa aad u daran xaaladooda caafimaad, waxaana ay Alle uga bariday in uu janada ka waraabiyo dadkii ku dhintay halka kuwa ku dhaawacmay ay Alle uga bariday in uu bogsiiyo.

Gaariga ku qarxay xarunta Degmada ayaa ahaa nuuca loo yaqaan Hoomeey oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiilkii ku guuleystay Tartankii Qur’aanka ee lagu qabtay Tanzania “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In