Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay ugu kuur galan xaaladda ka jirta magaaladaasi.

 

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Wasiirada tegay magaalada Baraawe ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad (Omaar) iyo Wasiirka Gargaarka, Mareynta Masiibooyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabur),.

Wafdigan ayaa kormeeray qeybo ka mid tahay magaalada Baraawe sida goob laga dhisayo iskuul lagu baran doono farsamada gacanta, garoonka diyaaradaha Baraawe iyo xero barakacayaal oo ku taalla magaalada Baraawe.

Kormeerka kadib Wasiiradan ka socday Xukuumadda Federaalka ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan baahiyaha ka jirta Degmada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan baahiyaha dhanka Waxbarashada ee ka jirta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Maanta waxaan kormeer ku tegay magaalada Baraawe ee caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed, si aan ugu kuur galo baahida dhanka Waxbarasho ee ka jirta Baraawe, baahiyaha aan ku aragnay Baraawe waxaan u gudbin doona madaxda dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana rajeynaya in anaga oo kaashaneyna Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed, door muhiim ah aan ka wada qaadan doono horumarinta Waxbarashada”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay wax ka qaban doonto baahiyaha dhanka nolosha ee heysta dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Baraawe.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad (Omaar) ayaa ballan qaaday in la dhameystiri doono dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Baraawe oo xiligan uu ka socdo dhisme.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga oo magacaabay Guddiga xoojinta tayada iyo suuqgeynta waxsoo saarka dalka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In