Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan XFS oo xalay ku booqday Cisbitaalada dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan XFS oo xalay ku booqday Cisbitaalada dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Muqdisho ;- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay booqday Cisbitaalada Digfeer iyo Madiina oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Wuxuushnimada ahaa ee Argagixisada Al-Shabaab shalay ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa kormeerka dhaawacyada ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii dhacday,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa waxaan caawa aragnay,dadka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyadeyneynaa dadkii masaakiinta ahaa ee Masaajidka ku jiray iyo Gabadha yarta ah ICU-da ku jirta ee 9-jirta ah Dugsiga joogtay oo madaxa jugta ka soo gaartay,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa sida xanaanada macnada leh ee aan soo aragnay kuwa madaxa laga qalay kuwa caloosha laga qalay,kuwa dhiiga lagu shubay iyo kuwa aan ogaalka lahayn ee ICU-da ku jira dadaalka ay ku bixinayaan,”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirada Xukuumadda Federaalka ka tirsan ee xalay booqday dadkii shalay ku dhaawacmay Weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab geysteen waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya,kuwaasi oo u kuur galayay xaaladda dadka dhaawacyada ah iyo sidii xanuunka loola qeybsan lahaa dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee Cadowga Al-Shabaab dhibaateeyeen.

Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

Previous Post

DHAGEYSO: Barnaamijka Midnimo oo Todobaadkaan looga hadlay Ololaha Isxilqaan ee uu daah furay Madaxweynaha JFS

Next Post

Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Next Post
Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In