Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan XFS oo xalay ku booqday Cisbitaalada dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 3, 2018
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan XFS oo xalay ku booqday Cisbitaalada dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Muqdisho ;- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay booqday Cisbitaalada Digfeer iyo Madiina oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Wuxuushnimada ahaa ee Argagixisada Al-Shabaab shalay ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa kormeerka dhaawacyada ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii dhacday,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa waxaan caawa aragnay,dadka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyadeyneynaa dadkii masaakiinta ahaa ee Masaajidka ku jiray iyo Gabadha yarta ah ICU-da ku jirta ee 9-jirta ah Dugsiga joogtay oo madaxa jugta ka soo gaartay,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa sida xanaanada macnada leh ee aan soo aragnay kuwa madaxa laga qalay kuwa caloosha laga qalay,kuwa dhiiga lagu shubay iyo kuwa aan ogaalka lahayn ee ICU-da ku jira dadaalka ay ku bixinayaan,”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirada Xukuumadda Federaalka ka tirsan ee xalay booqday dadkii shalay ku dhaawacmay Weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab geysteen waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya,kuwaasi oo u kuur galayay xaaladda dadka dhaawacyada ah iyo sidii xanuunka loola qeybsan lahaa dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee Cadowga Al-Shabaab dhibaateeyeen.

Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

Previous Post

DHAGEYSO: Barnaamijka Midnimo oo Todobaadkaan looga hadlay Ololaha Isxilqaan ee uu daah furay Madaxweynaha JFS

Next Post

Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Next Post
Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In