Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro Kanada ka tirsan oo la kulmay Soomaalida dalkaas ku nool-Saiwrro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiro Kanada ka tirsan oo la kulmay Soomaalida dalkaas ku nool-Saiwrro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka socdaalka, jinsiyadaha iyo arrimaha qaxootiga dowladda Canada Honourable John McCallum oo ay wehliyaan Wasiirka Seyniska Honourable Dr Kristy Duncan, Xildhibaan Axmed Xuseen iyo Xildhibaan Borys Wrzesnewskyj oo labaduba ka tirsan baarlamaanka federaalka Canada ayaa maanta la kulmay Soomaalida ku nool gobolka Ontario ee dalka Canada.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii dadka Soomaalida, gaar ahaan kuwa dhibaatootinka ka heysta arrimaha sharciga ay baahiyadooda ugu gudbin lahaayeen madaxda.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Qaar ka tirsan dadkii ka qeyb galay ayaa Wasiirka socdaalka, jinsiyadaha iyo arrimaha qoyska John MacCallum u sheegay in ay Canada joogaan waqti badan walina aanan la siin sharciga joogitaanka dalka.

Honourable John MacCallum, wasiirka socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa sheegay in xisbigiisa Liberal-ka uu ku talo jiro sidii loo fududeyn lahaa arrimaha dacwadda qoysaska iyo qaadashada sharciga.

Wuxuu xusay in aysan suura gal aheyn in sharciyo uu adkeeyay 9- kii sano ee la soo dhaafay xisbigii Conservative-ka ee iyaga ka horreeyay ay ku baddelaan 9 bil oo ay dowladdiisu jirto, balse ay qorsheynayaan inay wax badan baddelaan.

Xildhibaan Axmed Xuseen, oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Canada ayaa sheegay inuu mar walba u taagan yahay sidii Soomaalida ay u heli lahaayeen xaqa ay ku leeyihiin dalka Canada, islamarkaana uu diyaar u yahay sidii uu wax ugu qaban lahaa baahiyada jira isagoo la kaashanaya dowladda.

Xildhibaan Axmed Xuseen ayaa suura galiyay kadib markii uu noqday xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka Canada in Soomaalida oo dalkan deggen ku dhawaad 30 sano ay soo hor fariistaan wasiirro heer federaal ah, si ay u weydiiyaan wax ka qabashada baahiyadooda.

image4-300x225 image5-300x225 image6-300x225 image7-300x225

Barkulan

Previous Post

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Next Post

Shirkadaha Jabaan iyo Afrika oo kala saxiixday 73 heshiis

Next Post
Shirkadaha Jabaan iyo Afrika oo kala saxiixday 73 heshiis

Shirkadaha Jabaan iyo Afrika oo kala saxiixday 73 heshiis

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In