Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro kormeer ku tegay goobaha uu ka socdo Barnaamijka Is-xilqaan “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiiro kormeer ku tegay goobaha uu ka socdo Barnaamijka Is-xilqaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax, Wasiirka Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyenta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta dhismaha Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta kormeeray dhismayaasha adeegga Qaranka ee uu ka socdo dib u dhiska Barnaamijka Is-xilqaan.

Ujeeddada kormeerka ayaa la xiriirtay dardar-galinta Barnaamijka Is-xilqaan iyo dhameystirka dhismayaasha dib loogu dhisayo xarumaha danta guud, sida u sheegay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta dhismaha Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

Inta kormeerka lagu jiray waxaa Wasiirrada iyo maareeyaha Wakaaladda Hormarinta dhismaha ay booqdeen Guriga Hooyooyinka oo dib u dhiska uu ka socdo, Madxafka Qaranka iyo Madbacada Qaranka oo iyaguna gabagabo la-marsiinayo.

“Waxaan xaqiijinaynaa inay naga go’antahay dardar-gelinta barnaamijka Is-xilqaan, sababta kormeerkeena ayaana ah in la qiimeeyo halka ay wax marayaan lana dardargaliyo sidii lagu dhammeystiri lahaa dhismayaasha qabyada ah oo guriga Hooyooyinka uu ugu horreeyo.” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyenta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali).

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa dhankiisa sheegay inay Dawladda dadaal galisay sidii dib loogu dhisi lahaa xarumaha adeegga Qaran oo is beddel lagu gaaray, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay xoojiyaan doorkooda dib u dhiska xarumahan.

“Shaqaalaha Dawladda door muuqda ayay Barnaamijkan muhiimka ah ka qaateen, waxaana xaqiijinaya inan diyaar u nahay dhammeystirka goobaha uu hadda dhismaha ka socda, waxa loo baahanyahay ayaa ah inan wadajir u labo jibbaarno dadaallada socda ee dib u dhiska dalka.” ayuu ku daray Wasiir Duraan.

Is-xilqaan waa barnaamij wax-qabad oo gogol-xaar  u  ah  soo bandhigidda  wax-qabad  taabbo  gal  ah, iyadoo ujeeddadu tahay in dib loogu dhiso dhammaan dhismayaasha Qaranka iyo bulshada u adeegaya.

Previous Post

Madaxweynaha koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray dugsiga tababarka Xorgoble “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray dugsiga tababarka Xorgoble “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray dugsiga tababarka Xorgoble “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In