Monday, June 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirro ka qeybgalay xaflad shahaaddooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin jebisay jaamacadda Jobkay

September 16, 2015
in Wararka
0
Wasiirro ka qeybgalay xaflad shahaaddooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin jebisay jaamacadda Jobkay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo xildhibaanno ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen arday dhamaysatay heerka koowaad ee waxbarashada  jaamacadda  Jobkay.

Xaflad ay ku qalinjabinayeen 500-Arday oo dhameystay waxabarshada heerka Koowaad ee jaamacadda Jobkey islamarkaana ka baxay kuliyadaha klala duwan ee Jaamacaadaasi ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Cismana Libaax Ibraahim, wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska Maxamed Cumar Geeddi, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa , gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca howlaha guud iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Related posts

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

June 26, 2022
Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

June 26, 2022

dhamaan Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa ay bogaadiyeen Ardayda maanta qalinjabiyay,  iyagoo ku boorrinayay inay ka shaqeeyaan Hormarka dalka.

Nasriin Xasan Maxamed oo u ku hadleysay magaca Ardaydii ka qalinjabisay Jaamacadda Jobkey ayaa u mahadcelisay macalimiintii wax soo baray iyo Araydii ay waqtiga badan wax islasoo barteen.

Gudoomiyaha Jaamacadda Jobkey Professor C/Casiis Caagane Cabdisamad ayaa sheegay in Jaamacadda ay dabooshay baahiyo badan oo dhanka waxbarashada ah oo dalka kajiray islamarkaana ay badbaadisay Jaamacadda Jobkey Mustaqbalka Arday badan oo markii hore waxbarasho la’aan ahaa.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Somaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo qudbad ka jeedinayay Xafladii qalinjabinta aheyd ee loo qabtay Ardayda dhameystay jaamacdda Jobkey ayaa Waxa uu xusay in Wasaarada ay qorsheyneyso inay shaqo u abuurto dhalinyarada faraha badan ee ka baxa jaamacadaha dalka.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux ayaa arrin wanaagsan ku tilmamaay in Xaflad loo qabto Boqolaal Arday oo dalkooda wax ku bartay wuxuna kula dardaarmay Ardayda inay dhanka wanaagsna u adeegsadaan cilmiga ay barteen.

Gagabagabadii Munaasabada ayaa Shahaadooyinkoodii la siiyay ardayda xafladda Qalinjabinta ah loo qabtay ee dhameystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Jobkey kuwaas oo tiradiifdu gaareysay ilaa 500 –Arday.

Previous Post

Baarlamanka oo ansixiyay dhismaha golaha wadatashiga qaranka Soomaaliyeed

Next Post

Lix ka tirsana maleeshiyaadka Shabaab oo lagu dilay duleedka Beledweyne “Dhageyso”

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Lix ka tirsana maleeshiyaadka Shabaab oo lagu dilay duleedka Beledweyne "Dhageyso"

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

June 26, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaaladda Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo dhawaan...

Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

June 26, 2022
0

Munaasabad lagu Daah furayay ka dib Dayactirka iyo Dib u haggaajinta Xarunta Maamulka Gobolka Mudug, Ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha...

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hambalyo ku aadan xuska 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hambalyo ku aadan xuska 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed

June 26, 2022
0

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-ka Juun iyo guud ahaan xuska...

Guddoomiye Aadan Madoobe” 26-ka Juun, waxay shacabka Soomaaliyeed u tahay maalin weyn,”

Guddoomiye Aadan Madoobe” 26-ka Juun, waxay shacabka Soomaaliyeed u tahay maalin weyn,”

June 26, 2022
0

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In