Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaallamay Baladweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
MUUQAAL-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaallamay Baladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirradan baaqa nabadeed jeedinayey ayaa kala ahaa wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Macdanta  iyo Badtoorka, Mudane Maxamed Muqtaar, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Cabdiweli Sheekh Muudey iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafmaadka, Mudane Cismaan Maxamed Daallo, iyagoo si wadajir ah cod dheer ugu baaqay beello walaalo ah oo uu dagaal ku dhexmaray magaalada baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa yiri “ waa muhiim in dagaalka la joojiyaa in dadka masaakiinta ah la badbaadiyo, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan dadaalkooda ku aaddan sidii dagaallada  u kala dhexgaleen”.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale Wasiirka Macdanta Badroolka Mudane Maxamed Muqtaar iyo wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, mudane Cabdiweli Sheekh Muudeey, ayaa iyagana codkooda ku biiriyey in dagaallada  baladweyne ka dhacay si deg deg ah loo joojiyo oo dadka waalaha ah waxyaabaha ay kala tabanayaanna lagu dhammeeyo madasha wada hadalka, si loo xaliyo.

Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafmaadka Soomaaliya, Mudane Cismaan Maxamed Daallo, ayaa ka codsaday bulshada reer Hiiraan iyo odayaasha Dahqanka in ay laba-laabaan sidii ay  u nabadeyn lahaayeen deegaanka, isla markaana wasiirrada ka jeeda gobolkana ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda ka qaataan sidii nabad loo gaari lahaana ay ku dadaalayaa.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sabtigii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo halkaasi wada degga inkastoo markii dambe ay odayaasha Dhaqanka iyo maamulka gobolka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in dagaalkaasi la joojiyo, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo beelaha dagaallamay.

 

Previous Post

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay asixinta golaha Wasiirada ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In