Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta mar kale furay kulamaddii maalmahii u dambeeyey ku qabsoomayey habka fogaan araga ah ee hordhaca u ahaa daah-furka Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo Bixinta Laysimada Shirkadaha Ganacsiga oo Wasaaradda la yeelatay Ganacsatada kala duwan ee dalka.
Barnaamijkan oo ah Website Onlaynka ah, ayaa ahmiyad weyn u leh horumarinta iyo fududeynta Ganacsiga dalka, dhiiri-gelinta maal-gashiga, kaydinta xogta ganacsiyada iyo maal-gashiga, kor u qaadista hanaanka dakhliga uruurinta iyo kobaca dhaqaalaha iyo weliba sidoo kale inuu meesha ka saarayo caqabadihii diiwaan-gelinta oo hadda wixii ka dambeeya ay Ganacsatu, iyaga oo xafiisyaddooda jooga ay diiwaan-gashan karaan helina karaan Laysanka shirkadahooda Ganacsi.
Waxaana barnaamijkan dedaal badan ku bixisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo taageero iyo maal-gelin ka helaysa World Bank Africa iyo IFC – International Finance Corporation .
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Madaxda hayโadaha Baangiga Adduunka iyo IFC oo kulanka maanta hadalo kala duwan ka jeediyey, ayaa sheegay in ujeedka barnaamijkan looggu soo bandhigayo Ganacsatada ay tahay siddii ka hor inta aan la daah-furin barnaamijka ay Ganacsatada faham buuxa uga sii heli lahaayeen sida uu u shaqeeyo barnamijkani iyo weliba sidoo kale siddii ay, iyaga dhinacooda ugu soo biiriyaan lahaayeen wixii talo iyo tusaaleyn ah.
Ganacsatada kala duwan ee kulanka ka soo qeyb-gashay, ayaa iyagane dhinacooda boggaadiyey barnamijkan Onlaynka ah oo ay sheegeen inuu ahmiyad weyn u lee yahay Ganacsigooda maadaama hadda laga bilaabo aanu wakhti dambe kaga lumayn xafiisyada dawladda, iyaga oo shaqooyinkooda wata ay si Onlayn ah u helayaan shatiyadooda Ganacsiga.