Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha amniga oo kormeeray xarunta dhaqancelinta maleeshiyaadka ee Galmudug

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha amniga oo kormeeray xarunta dhaqancelinta maleeshiyaadka ee Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha amniga Qaranka Amb. Farxaan Cali Axmed oo safar shaqo ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dhaqancelinta Galmudug (DRP) ee loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dhallinyarada kasoo baxda kooxda Al-Shabaab si loogu sameeyo nolol, isla markaana loo fahamsiiyo dowladnimada.

Wasiiru dowlaha oo uu la socday guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Magaalada Dhuusamareeb, waxa ay halkaasi warbixin kaga dhageysteen maamulka xarunta taaasoo la xiriirtay xaaladda dhallinyarada iyo baahiyaha xarunta maadaama ay qayb ka tahay xarumaha ku yaala dowlad goboleedyada dalka ee hoostaga wasaaradda amniga Qaranka.

Agasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Cabdirahman Maxamed Cali iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole ayaa dhankooda tilmaamey in xaruntani ay ka qayb qaadato amniga guud maadaama ay kujiraan isisoo dhiibayaal ka faa’iideystay fursadan.

Wasiiru-dowlaaha amniga Qaranka Amb. Farxaan Cali Axmed ayaa ugu dambeyn u ballan qaaday maamulka xaruntan in ay heli doonaan garab istaag balaaran.

Xaruntan dhaqan celinta Galmudug waxaa si rasmi ah loo furay 29-Dec 2021 ,waxaana haatan ku jira dhallinyaro doortay in ay dib ula midoobaan qoysaskooda,kadib marka ay soo dhameystaan fursad lagu barayo xirfado ay ku maareeyaan noloshooda .

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Previous Post

Madaxweynaha JFS oo xaflad soo dhaweyn ah loogu saameeyay Dhuusamareeb

Next Post

Daawo: DF Soomaaliya oo shaacisay xiliga loo fariisanayo imtixaanka dugsiyada sare

Next Post
astaanta-Qaranka-Somalia-1-696x561

Daawo: DF Soomaaliya oo shaacisay xiliga loo fariisanayo imtixaanka dugsiyada sare

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In