Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha amniga oo kormeeray xarunta dhaqancelinta maleeshiyaadka ee Galmudug

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha amniga oo kormeeray xarunta dhaqancelinta maleeshiyaadka ee Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha amniga Qaranka Amb. Farxaan Cali Axmed oo safar shaqo ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dhaqancelinta Galmudug (DRP) ee loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dhallinyarada kasoo baxda kooxda Al-Shabaab si loogu sameeyo nolol, isla markaana loo fahamsiiyo dowladnimada.

Wasiiru dowlaha oo uu la socday guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Magaalada Dhuusamareeb, waxa ay halkaasi warbixin kaga dhageysteen maamulka xarunta taaasoo la xiriirtay xaaladda dhallinyarada iyo baahiyaha xarunta maadaama ay qayb ka tahay xarumaha ku yaala dowlad goboleedyada dalka ee hoostaga wasaaradda amniga Qaranka.

Agasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Cabdirahman Maxamed Cali iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole ayaa dhankooda tilmaamey in xaruntani ay ka qayb qaadato amniga guud maadaama ay kujiraan isisoo dhiibayaal ka faa’iideystay fursadan.

Wasiiru-dowlaaha amniga Qaranka Amb. Farxaan Cali Axmed ayaa ugu dambeyn u ballan qaaday maamulka xaruntan in ay heli doonaan garab istaag balaaran.

Xaruntan dhaqan celinta Galmudug waxaa si rasmi ah loo furay 29-Dec 2021 ,waxaana haatan ku jira dhallinyaro doortay in ay dib ula midoobaan qoysaskooda,kadib marka ay soo dhameystaan fursad lagu barayo xirfado ay ku maareeyaan noloshooda .

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Previous Post

Madaxweynaha JFS oo xaflad soo dhaweyn ah loogu saameeyay Dhuusamareeb

Next Post

Daawo: DF Soomaaliya oo shaacisay xiliga loo fariisanayo imtixaanka dugsiyada sare

Next Post
astaanta-Qaranka-Somalia-1-696x561

Daawo: DF Soomaaliya oo shaacisay xiliga loo fariisanayo imtixaanka dugsiyada sare

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In