Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha arimaha dibadda oo munaasabad soo dhaweyn ah looga sameeye wadanka Malaysia. SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha arimaha dibadda oo munaasabad soo dhaweyn ah looga sameeye wadanka Malaysia. SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Xaflad si heer sare ah loogu soo shaqeeyay laguna soo dhaweynayay wasiiru dowlaha arimaha dibadda iyo dhiira gelinta maalgashiga xukumada federalka Dr. khaalid omar cali ayaa lagu qabtay gudaha xarunta safarada somaliyeed ee dalka Malaysia, waxaana xaflada abaabulkeeda iska lahaa madaxda sare ee safarada,  waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee somalida Malaysia sida ururka ardayda, kan jaaliyada, haweenka, ganacsatada iyo weliba aqoonyahanada.

Ugu horeyn waxaa xaflada soo dhawaynta ka hadlay Dr.muuse oo ka mid ah aqoonyahanada somaliyeed ee barayasha ka ah mid ka mid ah jamacadaha ugu tunka wayn dalka Malaysia, wuxuuna ku dheeraaday sida ay ugu faraxsan yihiin in ay arkaan masuul darajo sare leh oo booqasho ugu yimada.

Sidoo kale gudoomiyaha jaaliyada ummadda somaliyeed ee dalka Malaysia Mohamed abdi isak oo isna madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyn ka dib wasiirka ugu warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaaliyada soo martay tan iyo maalinkii la aas aasay, wuxuu sidoo kale ka warbixiyay in ay waxyaabo badan u qabsoomeen intay jireen kuwo kalena ay iminka ku howlan yihiin qabashadooda.

Ku simaha safiirka ahna qunsulka guud ee safarada somaliyeed oo isna madasha ka hadlay ayaa marka hore ku soo dhaweeyay wasiirka in uu ku soo dhawaado xarunta safarada ummada somaliyeed, wuxuuna ka warbixiyay adeega ay safarada ummadeeda u hayso iyo sida ay laga maarmanka u tahay in howshaas ay kordhiso.

Ugu danbeeyntii waxaa lagu soo dhaweeyay wasiiru dowlaha arimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga Dr.khaalid omar ali oo aad ugu sheekeeyay xalada guud ee dalka, isagoo shacabkii madasha fadhiyay u cadeeyay in amaanka wadanka uu yahay mid aad u wanagsan, shilal maalmeedka dhacana uu kala siman yahay calamka intiisa kale, sido kale wuxuu ka hadlay siduu u soo hagagay xiriirka calamiga ah eek ala dhaxeeya wadamada calamka, si ay u socdaan hirgalinta mashruuca federalism ayuu ku sheegay in ay meel wanagsan marayso, wuxuuna cod dheer ku qeexay in amarkii hore ee wasarada arimaha dibadda ee ahaa in la soo yareeyo safaradaha dalalka calamka ugu yaala dowlada uu ahaa mid ay ansaxiyeen golaha wasiirada, hada amar kaas ka duwan ay golaha ansaxiyeen oo ahaa in an la xadidin safarada wadamada calamka ay ku leedahay xukumada somaliyeed si uu xiriirka calamka u soo noqdo. Maanta laga bilabana aad shakiga ah in ay xiran tahay safarada aad iska dhaaftan oo ay safarada tahay mid shaqaynaysa, gudanaysana waajibka ka saran bulshadeeda. Wuxuna wasiirka kormeeray qaybaha ka koban tahay safarada  isago xafiis xafiis u indha indheeyay.

Mar uu ka hadlayay safarkiisa wadanka Malaysia ayaa wasiirka wuxuu yiri “waxaan ku imi amar madaxweyne, madama anoo matalaya madaxweynaha an ka qayb galay shir ka dhacayay Indonesia oo heer madaxweyne ahaa, wuxuu madaxweynaha isoo faray in markaa shirkaasi ka baxo aan lugta soo mariyo wadanka Malaysia oo ah wadan ay tiro arday somaliyeed ah ay wax ka bartaan, waxaana rajaynayaa inta aan joogo in aan la kulmi doono madaxda sar sare wadanka Malaysia iyo weliba qaybaha kala duwan ee somalida Malaysia.

Gunta iyo gebagabada aya dhowr su’aal oo ka yimi ka soo qayb galayashii xaflada waxaa la waydiiyay wasiirka, wuxuuna si maqsuudi ay ku jirto ugu wada jawaabi su’aalihii la waydiiyay, waana markii ugu horeysay masuul sare oo ka tirsan golaha wasiirada xukumada federalka ah uu booqasho rasmi ah ku yimada wadanka Malaysia, si toos ahna su’aalo ay u waydiiyan shacabka somaliyeed, waxaa la filaaya in malmaha uu wasiirka halkaan joogo uu kulamo isdaba jog ah la yeesho madaxda sar sare  ee dowlada Malaysia, oo ka mid ah dowladaha sida gaarka isha ugu haya soo kabashada qaranka somaliyeed.

 

Mohamed abdirahman “Timo”

Radiomuqdisho-Malaysia

1 3 4 5 8 9
Previous Post

Olalaha la dagaallanka Qaadka oo Muqdisho wali ka socda

Next Post

R/Wasaare ku xigeenka “waa in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah”

Next Post
Ra’iisul wasaare ku xigeeenka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti -SAWIRRO

R/Wasaare ku xigeenka "waa in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah"

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In