Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryam Maxamad Xuseen ayaa kulan layeelatay Wafdi ka socday Ururka Islaamka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka si ay kulama gaar gaar ah ula qaataan Hay’addaha Dowladda ee ay kala shaqeeyaan horumarinta adeegyada Bulshada oo kamidyihiin Caafimaadka.
Wafdiga ka socday Ururka Islaamka (OIC) ayaa Wasaaradda la wadaagay howlaha ay ka qabtaan Caafimaadka Soomaaliya iyo qorshahooda ku aadan caawinta dadka Soomaaliyeed.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryam Maxamad Xuseen ayaa dhankeeda la wadaagtay wafdiga warbixin ku aadan xaaladda iyo howlaha horu-tebinta u leh Wasaaradda Caafimaadka, taasoo tabanaysay sidii adeeg caafimaad oo waafi ah loo gaarsiin lahaa dadka ku tabaaleysan goobaha dib loo xoreeyay iyo deegaannada lama gaaraanka ah iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.