Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin karo ee Horumarinta loo dhanyahay (Renewable Energy Advancement for Inclusive Development – READ).
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka kala socday Dowladaha Turkiga, Talyaaniga iyo Midowga Yurub, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya hirgelinta mashruucan.
Wasiir Nuura, oo khudbad muhiim ah ka jeedisay munaasabadda ayaa sheegtay, in barnaamijkan uusan ku koobneyn oo keliya dhinaca tamarta, balse uu yahay barnaamij horumarineed oo wax ku ool ah, kaalin weyna ka qaadanaya horumarinta dalka. Waxay carrabka ku adkaysay in mashruucu uu fursado shaqo iyo aqoon isugu jiro u abuurayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana kor u qaadaya cilmi-baarista iyo hal-abuurka la xiriira tamarta la cusboonaysiin karo.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay markasta si buuxda u taageeraysaa barnaamijyada horumarineed ee tacliinta sare iyo kuwa leh shaqa-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.











