Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland oo loo dhaariyey Xilka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland oo loo dhaariyey Xilka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 17 June 2017 loo dhaariyey xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland Cadirashiid Cali Geelle oo dhowaan uu Madaxweynaha Puntland u magcaabay xilkaasi.

Munaasimada Dhaarinta Wasiiru Dawlaha oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog  ka ahaa Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,  xubin ka tirsan Maxkamadda Sare iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Dhaarinta Wasiiru Dowlaha kadib ayaa waxaa Madaxwynaha Dawladda Puntland uu Xasuusiyey Wasiiru Dawlaha in xilkaasi loogu gartay aqoon tiisa iyo khibaradiisa, waaya aragnimo, loona baahan yahay in uu si daacad ah uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiiisa,

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ku booriyey inuu fiira gaara u lahaado kala socodsiinta arrimaha shaqo ee  xafiiskiisa, kaasi oo dalka wax badan katari kara marka la dardar geliyo.

Ugu Dambayn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha Wasaadda Amniga Puntland  in uu had iyo jeer maankiisa ku hayo in Puntland heegan ku tahay ka sifaynta dhulkeeda cadawga nabad diid ka ah ee ku dhuumaalaysanaya deegaanadeeda, isla markaana uu xafiis kiisu markasta heegan ugu jiro arrimaha iska caabinta cadawga tabarta yar ee majara habaabsan.

 –DHAMMAAD—

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 10 June – 16 June “SAWIRRO”

Next Post

Markab gargaar sida oo Turkiga ku wareejiyay Soomaaliya-Sawirro

Next Post
Markab gargaar sida oo Turkiga ku wareejiyay Soomaaliya-Sawirro

Markab gargaar sida oo Turkiga ku wareejiyay Soomaaliya-Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In