Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha W. Warfaafinta oo Khartuum uga qeybgalay shir ku saabsan ka hortagida argagaxisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha W. Warfaafinta oo Khartuum uga qeybgalay shir ku saabsan ka hortagida argagaxisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo looga hadlayay arimaha Xag jirka iyo ka hortaga Tahriibka  ayna soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta  oo la kaashaneesa Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Suudaan  ayaa lagu marti qaaday Dowlado badan oo ay Soomaaliya ku jirto  waxaana matalayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Mudane  Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos

Wasiiru Dowlaha ayaa cadeeyay in u jeedka shirkan uu yahay sidii aragti mideesan uga qaadan lahaayeen Warbaahinta Dowladaha Carabta ee ka tirsan Jaamacada Carabta  in la sameeyo Qeexitaan Cad oo ku aadan Aragagaxisonimada waxay tahay iyo waxyaabaha lagu garan karo taa oo Dowlado farabadan uu dhib ku haaayo  sida  Suuriya  Liibiya  iyo Soomaaliya ayuu yiri Wasiiru Dowlaha oo la hadalayay Warbaahinta Qaranka Xafiiska Khartuum

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya   Mudane  Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos ayaa qeexay  mudada uu howsha shaqo u joogo khartuum kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareeso Wasaradda  Warfaafinta Dowladda Suudaan uuna ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Suudaan  Mudane Axmed Bilaal Cusmaan  isagoo hadalkiisa sii wato ayuu raaciyay Biikoos in uu jiro heshiisyo horay u dhax maray labada Wasaaradood loona baahanyahay in la dar dar galiyo fulinta heshiisyadaasi ay kal  hore ku wada saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay marti galisay Caasimadda Sadex Geesoodka ee Khartuum

 Wasiiru  Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos ayaa  ka qeeb galay Dood Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Caamaliga ee Africa  loogana hadlayay  arimaha argagaxisada  Goob joogna ay ka ahaan Doonan Wufuud heer Caalami ah oo inta badan ay quseeso Doodan Soomaaliyana  ka mid tahay Dowladaha lagu marti Qaaday Dood cilmiyeedaas  ula jeedka Doodaasi ayaa ah sidii loo heli lahaa go,aan mideesan oo looga hortagi karo ariimaha xag jirnimada iyo  Xakameenta Khatarta Tahriibka uu leeyahay

Waa markii ugu horeesay oo uu soo gaaro Dalka Suudaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka  iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya  Maxamuud Cabdi Xasan Biikoos marka  u soo idlaado safarkiisa shaqo ee uu ku joogo dalka suudaan ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

30985

Previous Post

Ciidanka Amaanka oo ka hortagay Qarax Shacabka lagu waxyeelayn lahaa

Next Post

Arday loo sameeyay xaflad qalin badalasho ah “SAWIRRO”

Next Post
Arday loo sameeyay xaflad qalin badalasho ah “SAWIRRO”

Arday loo sameeyay xaflad qalin badalasho ah "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In