Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada oo kulamo kula yeeshay Turkiga Masuuliyiin ka tirsan Dalkaasi

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada oo kulamo kula yeeshay Turkiga Masuuliyiin ka tirsan Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DF Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Booqasho Shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga, waxaana Kulamada ku weheliyey Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo u Qeybsamaha Safaaradda Soomaaliya Arimaha Tacliinta , Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdicasiis Cabdiraxmaan.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Wafdiga Wasiiru Dawlaha ayaa Kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirka Waxbarashada ee dalka Turkiga, Madaxda Hay’adda Tacliinta Sare ee Turkiga oo magaceeda loo soo Gaabiyo (YOK) iyo Masuuliyiinta Hey’adda Arimaha Diinta u qaabilsan Dawladda Turkiga.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa sheegay in guulo laga gaaray Kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta kala duwan, wuxuuna uga Warbixiyey Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga Xaalada Waxbarasho ee Soomaaliya iyo Siyaasaadda iyo Qorsheyaasha Wasaarradda Waxbarashada , Dhaqan gelinta Heshiisyadii hore loo galay iyo Sidii Ardayda Soomaaliyeed looga Faa’iidayn lahaa Deeqaha Waxbarasho ee Turkiga.

Kulanka uu la yeeshay Hey’ada Tacliinta Sare ee Turkiga ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay go’aano miro-dhal ah, iyadoona Xal looga gaaray Culaysyo soo Wajahay Arday Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.

“Runtii Kulankeena wuxuu ahaa mid xooga saarayay Ardayda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Hey’adda Tacliinta Sare waxaanu ka wada hadalnay Sidii loo wada shaqayn lahaa Arrimaha Tacliinta Sare, Maadama ay dalkeena ka jiraan Jaamacaddo badan, Waxaana isla garanay in Ardayda hadda ku sugan Turkiga ee Waxbarashadu ka istaagtay, oo gaaraya ilaa 50-Arday in loo Ogolaado inay sii dhigtaan Jaamacaddaha Turkiga inta la soo cadeynayo Jaamacaddaha ay ka soo baxeen, waxaana Arintan loo yeelay Soomaalida oo keliya” ayuu yiri Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada DF Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Dalka Turkiga Axmed Cabdiqaadir Ismaaciil (Axmed Darwiish) ayaa sheegay in ugu dambayntii Wafdiga DFS ay kulan la yeeshay Hey’adda Arimaha Diinta u Qaabilsan dalka Turkiga, Waxayna si gaar ah uga wada hadleen qeybta ka khusaysa Wasaaradda Waxbarashada oo ku aadan Dugsiyadda Ardayda lagu Barro Culuumta Diinta.

Previous Post

Taliska Booliska oo kadigay inay dhacaan Banaanbaxyo rabshada wata “Dhageyso”

Next Post

Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Next Post
Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In