Talaado,17 Maarso 2015 Muqdisho –Wafdi ka socda Hay.adda FAO ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isulwasaaraha ee Arrimaha Bii’ada Prof Burci Maxamed xamza.
Kulankan ay wada qaateen wasiiru dowlaha iyo wafdiga FOA ayaa ku saabsanaa arrimaha Bii’ada,waxeyna isla soo qaadeen qaabkii loo dar dar gelin lahaa horumarinta dhinaca Bii’ada iyo sidii la isaga kaashaan lahaa.
Inta uu socday kulanka ayaa leysla gartay dhowr qodob kuwaasi oo laf dhabar u ah arrimaha bii’ada waxaana kamid ahaa.
- Sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta si uusan nabaad guur ugu dhicin deegaanka dhirtu ku taalo.
- Wax ka qabashada Bacaha daadsan magaalada iyo sidii looga hortagi lahaa faafitaankooda.
- Sidii looga hortagi lahaa haraadiga sunta wasaqda warshadaha nucliyeerka oo ay maraakiibta shisheeye ku daadshaan xeebaha badda Soomaaliya .
Kulanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan wasiiru dowlahaq xafiiska ra’isulwasaaraha ee arrimaha Bii’ada tan iyo markii loo magacaabay xilkaan ,waxaana ugu dambeyntii leysla soo qaaday sidii shaqaalaha Bii’ada loo siin lahaa tababaro dhinaca bii’ada, sidii xirfadooda kor loogu qaadi lahaa iyo sidii loo joojin lahaa jarista geedaha ,ka hortaga nabaad guurka iyo xaalufinta.