Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ahna Ku simaha Madaxweynaha ayaa Xilka Looga Qaaday Wasiiru dawlaha Madaxtooyada eexiriirka gobollada Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenkaDawladda Puntland ahna ku simahaMadaxweynaha Eng. CadixakiinXaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19 September 13 2017,xilka uga qaaday wasiirru dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenkaDawlad goboleedka Puntland.
MarkuuArkay: DastuurkaDawladda Puntland.
Markuu Arkay: Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.
MarkuuGarawsaday: Mas’uuliyaddarrada uu ku kacay.
WuxuuXeeriyey:
- Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
- Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.