Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 7, 2015
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 07 November 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo dhagax-dhigay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka, Wasiirka Maaliyada oo shir ugu qabtay Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka oo wada akhrinta Xeerka Saxaafada, Shahaadooyin la guddoonsiiyey ardey baratay cilmiga Saxaafadda, Xafiiska isku xirka Qaxootiga iyo Dowladda Soomaaliya oo la furay, Galmudug oo lagu wareejiyey ciidan iyo hub, Saraakiil XDS oo tababar loo soo xiray, Gabdhaha Heegan oo ku guuleystay koobka kubadda Gacanta, Ciidamada Galmudug oo si xoog leh ku soo furtay Iiraaniyiin ay burcad-badeedu qabsadeen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo xilkii la wareegay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

May 19, 2025

Madaxweynaha oo dhagax-dhigay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1dii November 2015 magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta, waxa uu ku dhagax dhigay dhismaha safaarad cusub oo Soomaaliya ay ka dhisaneyso magaalada Abu Dhabi, taasoo dhulka ay ku fadhiso iyo dhismaheedaba ay ugu deeqday dowladda Imaaradka Carabta. Dhismahan oo socon doona muddo hal sano iyo laba bilood ah ayaa waxa uu ka koobanyahay safaaradda iyo guri deegaan ay safaaraddu leedahay, waxaana Madaxweynaha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda dalkaasi ay booqdeen xarunta loogu talogalay. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Cadbiqaadir Shiikheey Al-Haatimi oo dadaal weyn ku bixiyay sidii safaaradan loo hirgelin lahaa ayaa sheegay in muddo ka badan 42 sanadood ay tahay markii ugu horeysay ee dhul iyo dhismo iswata oo Soomaaliya ay leedahay laga hirgeliyo dalka Imaaraadka Carabta, halka horay ay ugu shaqeyn jireen goobo si gaar ah loo leeyahay. Cabdiqaadir Shiikheey Al-Haatimi ayaa ku amaanay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya sida ay ugu gacan siiyeen shaqaalaha iyo madaxda safaaradda ee uu isagu ugu horeeyo in safaarad Soomaliya leedahay laga hirgeliyo magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka Maaliyada oo shir ugu qabtay Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti” ayaa 31kii Oktoober 2015 Muqdisho ka furay shir balaaran oo Wasiirada Maaliyadaha ee Dowlad Goboleedyada dalka lagu marti qaaday, kaas looga arinsanayey sidii loo wada shaqayn lahaa, laysuna dhaafsan lahaa xogaha ku aadan arrimaha maaliyadda dalka. Wasiir Fageeti oo furitaankii shirka khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in kulankaan kii ka horeeyey uu ka dhacay magaaladda Nairobi. Shirkan ayaa looga dooday qaabka ugu haboon ee loo wanaajin karo hanaanka maaliyadda dalka. Wasiiradda ka socday Dowlad Goboleedyadda ayaa soo dhaweeyey shirkan, kuna tilmaamay inuu wax weyn ka tari doono sidii laysaga kaashan lahaa dajinta miisaaniyadaha, isku xirka canshuuraha dalka iyo ka fa’iidaysiga mashruuca Maamulka Maareynta Maaliyadda (PFM) oo hada ka hirgalay gobolada qaar, iyo sidii loo gaarsiin lahaa goboladda dhiman.

Baarlamaanka oo wada akhrinta Xeerka Saxaafadda

Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka ayaa waxaa Golaha shacabka dib ugu soo celiyey 4tii November 2015 guddiga Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka. Guddoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo Xildhibaannada ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu soo maray marxalado kala gedisan maantase uu marayo marxaladii ugu dambeysay mar hadii Golaha ay u hor keeneen akhrinta labaad si ay Mudaneyaashu uga gutaan waajibaadkooda qaran oo ay talooyinkooda ugu biiriyaan. Xoghayaha guddiga Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali oo Baarlamaanka u akhriyey qodobbada uu sharcigan ka kooban yahay ayaa micneeyey qodobbada wax ka bedelka uu guddigooda ku soo sameeyey. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ayaa gebagebadii u mahad celiyey guddiga Warfaafinta ee sharcigan kasoo shaqeeyey waxaana uu xusay in mudaneyaasha sharcigan dib loogu qeybiyey si ay u soo akhristaan kadibna aragtidooda ugu daraan marka la gaaro Akhrinta Seddexaad kolkaasi oo laga doodi doono. Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Qaranka oo ka kooban 42 qodob ayaa waxaa ay Golaha Wasiirrada usoo gudbiyeen Baarlamaanka 19-March-2015 ayadoo guddiga Warfaafinta ee Baarlamaankana si rasmi ah loogu wareejiyey 17-June-2015 kolkaasi oo uu Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) akhrinta koobaad u hor tagay Baarlamaanka si waafaqsan qodobka qodobka 44aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka, si sharcigan uu dhaqan gal u noqdana waxa uu u baahan yahay iney soo ansixiyaan Baarlamaanka ka dibna uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga

Shahaadooyin la guddoonsiiyey ardey baratay cilmiga Saxaafadda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ahaana ku-simaha Wasiirka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo uu wehliyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla ayaa 4tii November 2015 ka qeyb galay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardayda baratay cilmiga saxaafadda. Tirada Ardayda shahaadooyinka la guddoonsiiyay oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa waxaa ay gaarayaan 40 arday, kuwaasi oo muddo bil ah la barayay mihnadda saxaafadda, sida qorista wararka iyo habka wax loo jar jaro, waxaana sidoo kale ka qeyb galay ururrada saxaafadda iyo xubno kale. Madaxa howgalka Hay’adda Ralief International Xasan Cabdiqaadir Ciise ayaa xusay in dhalinyaradan la baray fursad ay bulshada wax ugu gudbin karaan. Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa tilmaamay in Warbaahinta Soomaaliyeed ay horumar wanaagsan ay sameysay sanadihii dambe, isla markaana gabdhaha warfidiyeenada ku dhiiragaliyay doorka wanagsan ay ku dhaxleeyahiin Warbaahinta Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Warfaafinta ay ku dadaali doonto in tayada suxuufiyiinta kor loo qaado, si loo helo suxufiyiin dhan waliba ka dhisan, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaradda ay dadaal ugu jirto meel marinta hindise sharciyeedka saxaafadda. Ardayda ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin.

Xafiiska isku xirka Qaxootiga iyo Dowladda Soomaaliya oo la furay

Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa 2dii November 2015 waxaa laga dhex furay xafiis qaabilsanaan doono isku xirka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo Dowlada Soomaaliya. Xafiiskan ayaa waxaa xarunta safaarada ka furay Gudoomiyaha hay’adda Barakacyaasha iyo Qaxootiga Qaranka Axmed Nuur iyo safiirka dowlada Soomaaliya u qaabilsan Kenya Jamaal Maxamed Xasan. Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in xafiiskani uu isku xiri doono qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo dowlada Soomaaliya. Gudoomiye Axmed Nuur ayaa sheegay in xafiiskan uu la shaqeynayo guddiga seddex-geesoodka ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Hay’ada UNHCR iyo in xafiiskan uu qaxootiga Soomaaliyeed uu gacan uga siin lahaa sidii ay dalkooda ugu laaban lahaayeen.

Galmudug oo lagu wareejiyey ciidan iyo hub

Shacabka Galmudug ayaa 5tii November 2015 Dowlad Goboleedka Galmudug ku wareejiyey ciidamo iyo hub oo ay ka mid ahaayeen gawaarida gaashaaman ee dagaalka. Ujeedada ayaa aheyd in Dowlad Goboleedka GalMudug ay dar-dargeliyaan sugida amniga iyo nabadeynta deegaanada GalMudug. Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuuseen Guuleed oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa shacabka reer Galmudug ka Gudoomay Gawaaridda gaashaaman, Hub iyo ciidanka ay shacabku ku wareejiyeen Maamulka uu madaxda ka yahay. Kaddib Madaxweyne Cabdikarim ayaa salaan ka qaatay cutubyadii kamid noqday milateriga Galmudug, waxana uu ciidanka uga mahad celiyay sida Qalbi furaanta leh oo ay ugu soo biireen Ciidamada milateriga Galmudug. Waxaa goobjoog ka ahaa munaasabada Madax Dhaqameed, odayaal, saraakiil iyo qeybo kamid ah bulshada Galmudug. Madaxweynaha ayaa talaabadan ku tilmaamay mid ku dayasho mudan ahna mid taaba gelinaysa kor u qaadida adeega laga rabo Dowlad goboleedka GalMudug, dhisaysana niyada madaxda iyo Shacabka GalMudug.

Saraakiil XDS oo tababar loo soo xiray

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ayaa 5tii November tababar loogu soo xiray Muqdisho gaar ahaan xerada tababarada ciidanka ee Deegaanka Jasiira. Tababarkan ayaa waxaa ka faa’iideystay 20 sarkaal. Munaasabadii tababarka loogu soo xiray saraakiishan ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka xoogga, AMISOM iyo saraakiisha qeybaha hoggaanada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya. Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taakuleynta ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale balan qaaday in mudooyinka soo socda ay kordhin doonaan taageerada dhanka tababarka ee Ciidanka. Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub iyo AMISOM kaalinta ay ka qaadanayaan tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga, waxaana uu saraakiisha tababarka dhameystay ku adkeeyay in ay ka faa’ideeystaan xirfadihii ay barteen. Ugu danbeyn, Saraakiisha Tababarka loo xirey ayaa waxaa shahaadooyin guddoon siiyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden Axmed, wuxuna ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaaleen tababarkii la siiyey, isagoo u rajeeyey guul iyo horumar.

Gabdhaha Heegan oo ku guuleystay koobka kubadda Gacanta

Munaasabad koob lagu guddoonsiinayay gabdhaha kubada gacanta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Heegan oo ku guuleystay koob loo qabtay kooxaha kubada gacanta ah ayaa 5tii November 2015 lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgaleen Saraakiil katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyo marti sharaf kale. Munaasabadda intii ay socotay ayaa waxaa kooxda fanaaniinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ee Heegan ay ku soo bandhigeen heeso ka turjumaya guusha kooxda gabdhaha kubadda gacanta ee Heegan. Gen Dayib Axmed Dhega Caleen oo munaasabadda ka hadlay isagoo ku hadlayay magaca Taliye ku Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gabdhaha kubada gacanta ee Heegan ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen ciyaaraha kubadda gacanta ee magaalada Muqdisho lagu qabtay, waxaana uu ku ammaanay kooxaha CiidankaBoliiska uu leeyahay dadaalada ay ugu jiraan horumarinta waxyaabaha laga doonayo.

Ciidamada Galmudug oo si xoog leh ku soo furtay Iiraaniyiin ay burcad-badeedu qabsadeen

Ciidamada Nabadsugidda ee Maamulka GalMudug ayaa 5tii November 2015 soo furtay la heystayaal Iiraan u dhashay oo muddo 10 bilood ah afduub ahaan ay u heysteen Koox burcad badeed ah, kuwaa oo lagu hayay deegaanno ku teetsan Xeebaha Mudug. Soo furashada la heystayaashaasi u dhashay Dalka Iiraan ayaa ka dambeysay howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugida Maamulka Galmudug iyadoo ay ku guuleysteen in si nabdoon ay ku soo furtaan afarta ruux ee u dhashay dalka Iiraan oo horay loogu afduubtay xeebaha Soomaaliya iyo kooxihii afduubka u heystay. Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee GalMudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen in si nabdoon ay u soo bad baadiyaan afar ruux oo u dhashay dalka Iiraan, waxaana arrintani uu ku tilmaamay in qeyb ay ka tahay qorshaha ay ku doonayaan in ay ciribtiraan Burcad badeeda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo xilkii la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa munaasabad ka dhacday aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 2dii November 2015 xilka kala wareegay guddoomiyihii hore. Munaasabada intii ay socotay ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub, oo lagula dar daarmay inuu xoogga saaro howlaha hor-yaala Maamulka Gobolka Banaadir. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyada Cabdillaahi Maxamed Nur ayaa munaasabada goob joog ahaa. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad balaaran oo dhinac waliba leh uuna ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa shaqada socota. Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha cusub ayaa kala saxiixday Ducoment-yo muujinaya xil wareejinta, waxaana goob joog ka ahaa saxiixa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

DHAMAAD 

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (10) unnamed (11) unnamed

Previous Post

Xildhibaan Jeesow “Xidlhibaan Gurxan dhaawac ayaa soo gaaray, hadana waa la dabiibayaa”

Next Post

Taliye ku-xigeenka booliska oo tababar u soo xiray saraakiil gabdho ah

Next Post
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka

Taliye ku-xigeenka booliska oo tababar u soo xiray saraakiil gabdho ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah...

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In