Sunday, September 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 12, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 12 November 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Barlamaanka HirShabelle oo doortay xubnaha Aqalka Sare, Doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose oo si rasmi ah uga socda dalka, Askari ciidanka ka tirsan oo xukun dil ah lagu xukumay, Ra’iisul Wasaaraha oo wada nabadeyn iyo xal u helid joojinta dagaalka Gaalkacyo, Hay’ada Socdaalka oo xafiisyo ka hirgelisey Jubbaland iyo GalMudug, Xabsiga Dhexe ee Gobolka Hiiraan oo la dhagax-dhigay, Xarunta Maxkamadaha & Xeer Ilaalinta oo laga dhagax-dhigay Cadaado, Xarun daryeelka Agoonta oo laga dhagaxdhigay Caabudwaaq iyo Dayactir wadooyin laga bilaabay Gobolka Bay.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika

September 7, 2025
Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

September 7, 2025

Barlamaanka HirShabelle oo doortay xubnaha Aqalka Sare

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabelle ayaa 9kii November 2016 soo gabogabeeyey doorashooyinka musharixiinta Aqalka Sare u matalaya HirShabelle. Musharaxiinta ku guuleystay inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ayaa kala ahaa:
1- Cisman Axmed Macow
2- Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle
3- Muuse suudi Yalaxow
4- Naciima ibraahim yuusuf
5- Maxamed Cisman faarax dhegajuun
6- Maxamed Xuseen Raage
7- Fartuun c/qaadir faarax karaama
8- Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan
Xildhibaanadda Aqalka sare ee Barlamaanka Hirshabeelle ay u coddeeyeen ayaa ku biiraya xildhibaanada kale ee laga soo doortay Maamuladda Puntland, Jubbalanad, GalMudug iyo Koonfur Galbeed.

Doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose oo si rasmi ah uga socda dalka

Magaalada Garowe ayaa 5tii November waxaa si rasmi ah uga bilowday doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose, kuwaas oo si rasmi ah u socda. Sidoo kale Baydhabo iyo Kismaayo ayey 8dii November si rasmi ah uga bilowdeen welina ay socdaan doorashooyinkaas. Sidoo kale doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa si rasmi ah uga bilowday Cadaado 10kii November 2016. Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa ku howlan hirgelinta doorashooyinka, iyagoo ku kalsoon in doorashooyinka ay ku qabsoomay sidii loo qorsheeyey. Goobaha kale ee laga bilaabayo doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa waxaa ka mid ah Adaado, Jowhar iyo Muqdisho.

Askari ciidanka ka tirsan oo xukun dil ah lagu xukumay

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida qeybteeda 60-aad ayaa 8dii November 2016 xukun dil ah ku riday Askari ka tirsanaa ciidanka daraawiishta ee dowlad-goboleedka Koofur-Galbeed, kaasoo nin shacab ah ku dilay magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay. Askariga dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Cali Boorow Maxamed, wuxuuna falkan dilka ah u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasimo Caddow Xaaji Keyrow 10-10-2016, isagoo laba carruur ah uu dhalayna uu dhaawacay. Xukunka oo ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa waxaa ku dhawaaqay G/le Aadan Abuukar Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad.

Ra’iisul Wasaaraha oo wada nabadeyn iyo xal u helid joojinta dagaalka Gaalkacyo

Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo kulan qadka teleefonka kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay isku afgarteen in magaaladda Gaalkacyo laga dhaqan geliyo xabad-joojin deg deg ah, iyadoo Taliyeyaasha Ciidamada GalMudug iyo Puntland lagu amray inay kala qaadaan ciidamada ku dagaalamay magaladda Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhawaan kulan la isugu keenayo madaxda Galmudug iyo Puntland la qaban doono, si loo dhameeyo colaadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Hay’ada Socdaalka oo xafiisyo ka hirgelisey Jubbaland iyo GalMudug

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col Maxamed Aadan Koofi ayaa magaalooyinka Cadaado ee GalMudug iyo Kismaayo ee Xarunta Jubbaland uga qeybgalay munaasibad xarigga looga jaray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ee Jubbaland iyo GalMudug. Col Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in Jubbaland iyo GalMudug oo aan geyno xafiisyada Waaxda Socdaalka waxey leedahay ahmiyad ah in bulshada deegaanadaas ay helaan adeegyada Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ku howlaneed sidii loo ballaarin lahaa adeegyada ay ka sugayeen shacabka Soomaaliyeed.

Xabsiga Dhexe ee Gobolka Hiiraan oo la dhagax-dhigay

Guddomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa 6dii November 2016 waxa uu dhegax dhigay Xabsiga Dhexe ee gobolka Hiiraan oo dib u dhis lagu samaynayo, kaasi oo ay iska kaashanayaan maamulka iyo bulshada gobolka. Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Macalin Cismaan Qalafoow ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska xabsiga, oo muhiim u ah dhaqancelinta maxaabiista.

Xarunta Maxkamadaha & Xeer Ilaalinta oo laga dhagax-dhigay Cadaado

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamad Jaamac iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa si wadajir ah 6dii November 2016 u dhagax-dhigay xarunta Maxkamada, Xabsiga & Xeer Ilaalinta ee Dowlad Goboleedka GalMudug. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in xaruntan ay noqon doonto xabsi iyo xafiisyo xeer ilaalintu leedahay si ay u noqoto meel adeegyo dhamaystiran leh. Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan ka dib ay noqon doonto meel maxaabiistu cadaalad iyo daryeel ku helaan. Madaxwayne ku Xigeenka GalMudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay tahay waxqabad muuqdo oo iskaashi dhinacyo badan ah ku hirgalay, ayna muujineyso sida ay muhiim ugu tahay in loo helo xarumo ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta, si maxaabiista ay u helaan xaquuqdooda.

Xarun daryeelka Agoonta oo laga dhagaxdhigay Caabudwaaq

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha GalMudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame ayaa si wada jir ah 5tii November 2016 u dhagax dhigay Kuleej loogu tala galay in daryeel iyo waxbarasho lacag la’aan ah ay ka helaan Agoonta magaalada, waxaana wada mashruucan lagu dhisayo qurbaqajoog Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Degmada. Xildhibaanno ka tirsan dawlada Goboleedka GalMudug iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay munaasabadan ayaa si wayn uga mahadcelshay dadka wada mashruucan waxtarka u ah agoonta. Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in haddii ay hirgasho xaruntan ay meesha ka baxayso dayacaad hore u haysatay agoonta waxaana uu shegay in loo baahnaa waqti hore.

Dayactir wadooyin laga bilaabay Gobolka Bay

Maamulka Gobolka Baay ayaa gudaha magaalada ka bilaabay howlo lagu dayactirayo wadooyinka muhiimka ah ee burbursan ee dhex mara magaalada Baydhabo. Wadooyinka uu dhismaha ka socdo ayaa ah kuwo aan helin wax dayactir ah tan iyo intii ay burburtay dowaladii hore ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah wadada weyn ee dhaxmarta magaalada Baydhabo, waxaana ay wadadaasi ahayd wado aad u burbursan isla markaasina ay ka wareegan jireen inta badan gaadiidka isticmaala wadooyinka magaalada. Guddoomiyaha Goboka Baay Mudane C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay in howlahani dayactirka ah ay ugu talo galeen in ay soo celiyaan isticmaalka qaar katirsan wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka si ay usoo laabato bilicda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed

 

 

Previous Post

Xoghayaha Guud ee Q.M oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Yuusuf Garaad

Next Post

Wajiga 4aad ee doorashada aqalka Hoose oo lagu soo gabo gabeeyay Kismaayo

Next Post
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya

Wajiga 4aad ee doorashada aqalka Hoose oo lagu soo gabo gabeeyay Kismaayo

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ALGERIA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee JFS Mudane Mohamud Axmed Adan Geesood, ayaa ka qayb galay shirka Wadahadalka Wasiirrada...

Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DIMISHIQ): Safiirka cusub ee Safaaradda JFS ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya Mudane Cabdiib Muuse Faarax, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo...

Wasiirka Gaashaandigga XFS oo Muqdisho ka sagootiyay wafdi hordhac u ahaa ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandigga XFS oo Muqdisho ka sagootiyay wafdi hordhac u ahaa ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan sagootin ah la yeeshay wafdi hordhac u ahaa Ciidanka...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka 2026-ka

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka 2026-ka

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xafladda mahadcelinta howl-wadeenada imtixaanka qaranka 2024–2025, xiritaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In