Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 17 June – 23 June.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 24, 2017
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 17 June – 23 June.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 24 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025

Ololo dib u dayactir lagu sameynayo waddooyinka caasimada
Maamulka Degmada Heliwaa oo kaa shanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada ayaa 23kii June 2017 bilaabeen Ololo dib u dayactir loogu sameynayo wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan Degmada Heliwaa.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta

Golaha Wasiirada ayaa 22kii June 2017 si wadar oggol ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Dalka, ka dib dood dheer oo ay ka yeesheen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo ay soo diyaarisey Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknelojiyada. Hindise Sharciyeedkan ayaa soo maray heerar kala duwan oo wadatashi lala yeeshay qeybaha ay khuseyso. Sharcigan ayaa horumarinayo isticmaalka isgaarsiinta dalka, waxuuna macaamiisha siinayaa tartan furan oo lagu tartamo qiimo dhimis iyo soo jiidasho macaamiisha. Sharcigan ayaa xaquuq badan siinaya shirkadaha, iyadoo dowladuna ay heleyso dhaqaale bacdamaa canshuur laga qaadayo shirkadaha.

Dowlada Federaalka oo dhiirigelineysa Heshiiska GalMudug & Puntland

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa usbuucan kulamo la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug. Wasiir Juxa ayaa goob joog ka ahaa saxiix todobo qodob ka kooban oo ay ku heshiiyeen labada Maamul lana filayo inay horseedaan Nabada Gobolka Mudug. Wasiirka ayaa cadeeyay hadafka dowladda Federaalka ee heshiiska cusub iyo halka ay ka go’do Nabada Gaalkacyo. Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland iyo GalMudug ayaa mar kale sheegay inay ka go’antahay ka mira dhalinta Nabadda Gobolka Mudug.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 22kii June 2017 ansixiyey Hindise Sharciyeedka La-Dagaalanka Musuqmaasuqa. Wasaaradda Garsoorka ayaa Golaha Wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowlada. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.

Dowlada Federaalka oo 5 bilood xiriir ah bixisay mushaaraadkii cidianka & shaqaalaha rayidka ah

Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa 21kii June 2017 kormeer howleed ku tagay Bankiga Dhexe si ay uga qayb qaataan dadajinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, oo Ra’iisul Wasaare kheyr amray in la bixiyo inta aan la gaarin Ciida. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in bixinta si joogta ah mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada ay qayb ka tahay balanqaadkii Madaxweynaha, dowladana ilaa hada ay ku guulaystay bixinta mushaaraadka.

Dowlada oo dhaawacyo u qaaday dalka Sacuudiga

Afar iyo Toban Ruux oo shacab ah kana mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gobollada dalka oo Xaaladooda Caafimaad dalka wax looga qaban waayey ayaa dalka Dibaddiisa loo qaaday 21kii June 2017. Guddi bulshada rayidka ah oo uu u xilsaaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo Xulay dadkan kuwaas oo ku jiray qaar kamida Cisbitaalada Muqdisho. Dadka la qaaday oo qabay dhaawacyo halis ah oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay ayaa loo duuliyay dalka sacuudiga si loo soo daweeyo.

Wasaarada Waxbarashada oo diyaarisey Qorshe Howleedkeeda

20kii June 2017 ayey Wasaarada Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare qaban shir labo cisho socday oo looga hadlayey dib u habaynta qorshe hawleedka wasaaradda, kaas oo taabanaya dardargalinta samaynta manhajka waxbarasho ee dalka, muhiimad kala siinta hawlaha horyaala wasaaradda iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda. Shirka oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho waxaa ka qaybgalay hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, kuwaas oo mawduucyadaas ka faalooday labo cisho oo ay isku raaceen Qorshe Howleedka 4ta sano ee soo socota.

Dowlada oo dhagaxdhigtay wado laami ah oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa 20kii June 2017 dhagax dhigay dayactir balaaran oo lagu samaynayo 5 km oo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, waxaana munaasabada kala soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeele mudane Cali Guudlaawe, Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle, Xariiriyaha Mashruuca horumarinta u qaabislan Wasaaradda Maaliyadda Cali Xaaji iyo masuuliyiin kale. Dayactirka wadadaan ayaa waxey qayb ka tahay mashaariic badan oo dowladu ugu tala gashay in lagu horamariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab G/Benaadir oo gacanta lagu soo dhigay

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey Suuqa weyn ee Bakaaraha 19kii June 2017 in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun). Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.

Cadaalada oo la marsiiyey shaqsiyaad dil u geystay muwaadiniin

Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sido ee Soomaaliya ayaa usbuucan dil ku xukuntay eedeysanayaal dil u geystay wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo dib u dhiska iyo Sheekh caan ahaa oo lagu dilay Baydhabo. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Koowaad Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka. Ujeedada xukunadan ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed ay helaan cadaalad iyo sinnaan. Kiiska Dacwooyinkan ayaa soo socday muddo iyadoo eedeysanayaasha la siiyey fursad ay kiiskooda ku difaacaan.

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshisiinta Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa “isku daalnaye, maxaa noo dana!” si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017. Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen: 1. In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya. 2. In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto, iyo 3. In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara. Halkan ka akhriso Warmuriyeedka oo faahfaahsan

Dowlada oo la wareegtay Gargaar Turkiga soo dhiibtey

Sadex iyo toban kun oo tan oo isugu jira raashiin nafaqeysan iyo dawo oo ah deeq ka timid shacabka dalka Turkiga ayaa Dowlada Federaalka lagu wareejiyey 17kii June 2017. Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar, oo markabkan deeqda saaran tahay ku wareejiyay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga uusan gargaar kaliya ku ekaaneynin ee mashaariic horumarineed oo dhowaan dalka ay ka bilaabi doonaan. Olgan Bekar, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in deeqdan ay qeyb ka tahay howlaha samafal ee hey’adaha Turkiga ku kaalmeynayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cilmi Cumar Ceynsane ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga ugu mahadceliyay is garab istaagooda xilliyada ay caawimaada u baahan yihiin, isagoona xusay in deeqdan la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
[email protected]

Previous Post

Sacuudiga oo fashiliyay weerar lala damacsanaa Masjidka Barakeysan ee Makka

Next Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u iclaamisay in bari ciid tahay

Next Post
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u iclaamisay in bari ciid tahay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u iclaamisay in bari ciid tahay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray kulan la isugu keenay khubarada, sameeyayaasha...

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In