Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 27 May – 03 June 2017

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 27 May – 03 June 2017
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Mogadishu, 03 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Madaxweynaha oo guddi u xilsaara soo qiimeeya xaalada Xabsiga Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 30kii May 2017 Guddi Khubaro ah u saaray oo soo qiimeeya Xaaladaha ay ku suganyihiin, kiisaska ay ku eedeysanyihiin iyo tirada Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho. Dowlada Federaalka ayaa wada dadaal muwaadin kasta loogu raadinayo xuquuqdiisa aasaasiga ah, tallaabadan ayaa keeneysa in maxaabiista oo dhan ay helaan xaquuqdooda aasaasiga ah si marka ay xabsiga ka baxaan ay u noqdaan muwaadiniin dalkooda horumarkiisa ka shaqeeya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhagax dhigay dayactirka jidka 30ka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa 28kii May 2017 dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed. Godoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad, Wadooyin iyo Amni.

Somalia iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiisyo horumarineed

Dowlada Federaalka iyo Midowga Yurub ayaa 27kii May 2017 Muqdisho ku kala saxiixday Heshiisyo lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed oo ku baxeysa 48.4 milyan oo dollar. Mashaariicdan aya ku saabsanaa horumarinta dhaqalaha, dowlad wanaagga iyo kaalmeynta farsamooyin kala duwan kuwaa oo ay dhamaan Midowga Yurub ka fulin doonto Soomaaliya. Heshiiska waxa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorshaynta Horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, Jamaal Maxamed Xasan halka uu Midowga Yurubna u saxiixay Agaasimaha guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka Maaliyada oo soo bandhigay waxqabadka 2dii bilood

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa 31kii May 2017 shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka. Qorshahan shacabka loogu soo bandhigayo waxqabadka ayaa ah tallaabo lagu kobcinayo maamul wanaaga, isla xisaabtanka iyo furfurnaanta. Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay ayna dhankooda ilaalin doontaan amaanadaas

Golaha Wasiirada oo dardargelinaya Hindise Sharciyeedyada loo baahanyahay

Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 29kii May 2017 yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlay dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

‪1. Isgaarsiinta,

  1. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
  2. La-Dagaalanka Argagaxisada
  3. Runta & Dib u Heshiisiinta
  4. Dawladaha Hoose
  5. Dambiyada Kufsiga
  6. Muwaadinimada
  7. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
  8. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
  9. Badda
  10. Kheyraadka Biyaha
  11. Tamarta
  12. Maareynta Maaliyada
  13. Istaatiistikada
  14. Xeerka Saxaafada
  15. Waxbarashada
  16. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
  17. Sharciga Beeraha
  18. Gudiga Muftida Culumada

Horjooge Al-Shabaab ka tirsan oo ciidanka XDS isu soo dhiibay

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo la yiraahdo Bishar Mumin Farah ayaa 1dii June 2017 isu soo dhiibay ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan. Janaraale Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya Qeybta 52 ayaa sheegay in horjoogaha is soo dhiibey uu ka faa’iideystay cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaasna uu sheegay in uu u dulqaadan waayey falalka guracan ee naxariis daradda ah ee kooxda shabaab kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed sidaana uu u go’aansaday in uu si cad uga soo horjeesto kooxda Al-shabaab.

Dhismaha Jaamicada Galgaduud oo xariga laga jaray

Munaasabad xariga looga jarayay Dhismaha Cusub ee Jaamacada Galgaduud ee Caabudwaaq ayaa 31 May 2017 waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlada Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada, Ardeyda Jaamacadda, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle ayaa sheegay muddadii uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq uu ku arkey horumar, dhanka waxbarashada ah oo laga sameeyay magaalada.

Ololaha Nadaafada oo la dardargeliyey

Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa usbuucan waxaa la sii dardargeliyey Ololihii Nadaafada oo lagu soo celinayo bilicda caasimada dalka ee Muqdisho. Degmooyinka Hammarweyne iyo Heliwaa ayey olalahu si xoogan uga socdeen. Dowlada Federaalka iyo Maamulka G/Benaadir ayaa mudnaan gaar ah siiyey nadaafada kana codsaday shacabka inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta bilixda dalka.

 

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta

[email protected]

Previous Post

Qaraxyo lagu qabtay degmada Waaberi

Next Post

Qoysas danyar ah oo afurin loogu sameeyay Caabudwaaq iyo Balanbale “SAWIRRO”

Next Post

Qoysas danyar ah oo afurin loogu sameeyay Caabudwaaq iyo Balanbale "SAWIRRO"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In