Monday, May 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadkii la soo dhaafay 27 December 2014‏

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 27, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xil_Wareejin1

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh Kalsooni buuxda u siiyey Ra’iisul Wasaaraha, Ansixinta heshiiska caalamiga ah ee Ilaalinta Xaquuqda Carruurta, Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, Ansixinta Hindise Sharciyeedka Guddiga Xuduudaha, Wasaaradda Gaadiidka oo xafiis ka furtay Jowhar, Sheekh Atom oo liiska cunaqabateynta laga saaray, Gar-gaar bani’aadanimo oo shacabka la gaarsiiyey, cutubyo ciidan oo tababar dhameystey, Wasiirka Gaashaandhiga oo booqday Tiyeglow, iyo Somalia oo xubin ka noqotay ITSO.

Related posts

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 12, 2025

Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh Kalsooni buuxda u siiyey Ra’iisul Wasaaraha

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 24kii December Kalsooni buuxda siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Baarlamaanka ka codsaday inay cod kalsooni ah siiyaan Ra’iisul Wasaaraha si uu u helo sharciyadii uu ku howlgali lahaa. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa Baarlamaanka ka codsaday in ay siiyaan Kalsoonidooda si uu dalka ugu soo dhiso Xukuumad awood u leh in Somalia ay ku guuleysato hiigsiga 2016-ka. 218 xildhibaan ayaa codkii kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, mana jirin cid diiday, marka laga reebo lix xilbaan oo ka maqnaa codeynta. 224 ayuu baarlamaanka ku furmay. Ra’iisul wasaaraha Somaaliya ayaa lagu hor dhaariyey Barlamaanka oo guddoomiyaha Maxkamadda sare uu u dhaariyey xilkiisa Ra’iisul wasaarinimo. 25kii December ayuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke si rasmi ah xilkii uu ugala wareegey Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.”

Ansixinta heshiiska caalamiga ah ee Ilaalinta Xaquuqda Carruurta

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Ansixinta Ilaalinta Xaquuqda Carruurta ayaa yiri “Barlamaanka Soomaaliya ayaa 24kii December 2014 soo saaray Qaraar ku saabsan heshiiska ilaalinta Xaquuqda Carruurta ee Q.M ee ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen, hasa yeeshee qodobada 14-aad 20-aad iyo 21-aad ayuu Barlamaanka Soomaaliya ka saaray heshiiska, kuwaas oo aan la jaan-qaadi Karin dhaqanka Suuban iyo Diinta Islaamka, waxaana Barlamaanka Qaraarkaasi ka hor arkhiyey guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Talaabadan ayaa ah mid horumar weyn leh bacdamaa Soomaaliya ay ka mid aheyd 3 waddan oo aan heshiiskan caalamiga ah horey u saxiixin, kuwaas oo kala ah Mareykanka, Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.”

Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland

Djibouti1

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa yiri “Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 20kii iyo 21kii December 2014 gaaray dalka Djibouti oo ay halkaas ku wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silanyo iyo wafdi uu hoggaaminayey. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa wadahadaladii labada dhinac oo in muddo ahba hakad galay. Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fududeeyey wadahadalka labada dhinac. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu danbeyntii wada saxiixay qoddobo dhowr ah oo lagu heshiiyey kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la dar-dargeliyo wadahadalada oo 26ka iyo 27ka Febraayo labada dhinac ay ku kulmaan dalka Turkiga ah, laguna dhiirado arrimaha siyaasadda si wadahadaladu u noqdaan kuwa miro dhala. Waxaana la isla gartay in Dowladda Djibouti laga qeybgaliyo shirarka wadahadalka marka loo baahdo. Tallaabadan ayaa ah mid horey loogu qaaday lixda tiir ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo mid ka mid ah uu ahaa in la sii wada wadahadalada Somaliland.”

Ansixinta Hindise Sharciyeedka guddiga Xuduudaha

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey ansixinta hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha ayaa yiri “Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Kalfadhigiisa Shanaad fadhiisa 21aad oo qabsoomay 21kii December 2014 ayaa waxaa soo xaadirey 145 mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa looga hadlay meel marinta Hindise Sharciyeedka Guddiga Xuduudaha. Guddoonka baarlamaanka ayaa ka codsaday mudaneyaasha inay cod geliyaan, waxaa ogolaatay 129 mudane, halka 13 mudane ay ka soo horjeesteen, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaasi ayuuna ansax ku noqday Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka. Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay meel marinta hindise sharciyeedka Guddiga xuduudaha iyo shaqaalihii soo diyaariyay hindise sharciyeedkan. Hindise sharciyeedkan ayaa ka mid ah sharciyada mudnaanta gaarka ah la siiyey bacdamaa ay yihiin kuwa muhiim u ah dhaqangelinta aragtida 2016ka.”

Wasaaradda Gaadiidka oo xafiis ka furatay Jowhar

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Wasaaradda Gaadiidka oo xafiis ka furtay Jowhar ayaa yiri “Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa xafiis ka furtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe, tanoo tuseysa sida ay Dowladda Federaalka u dooneyso in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada. 20kii December 2014 ayaa xafiiska Wasaaradda Gaadiidka si rasmi ah looga furay magaalada Jowhar, xafiiskaas oo qabandoona adeegyadii wasaaradda, sida bixinta ruqsadda wadidda gaadiidka (Leysinka) iyo warqadaha la xiriira lahaanshaha ama milkiyadda gaadiidka. Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar laga howlgaliyey ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada, kuwaasoo wadayaasha weydiinaya ruqsadda wadida gaadiidka, iyagoo ilaalinaya shuruucda maridda wadooyoonka.”

Sheekh Atom oo Liiska Cunaqabateynta laga saaray

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Sheekh Atom oo liiska cunaqabateynta caalamiga laga saaray ayaa yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa soo dhoweysey go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo ay liiska cunaqabateynta 1844 ay uga saareen hoggaamiyahii hore ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Saciid “ATOM” oo horey u shaaciyey inuu nabada qaatay. Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuhulow, ayaa 20kii December shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad. DFS waxey gacan nabadeed u fidineysaa dhammaan shaqsiyaadka doonaya inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan. Muwaadin kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka.”

Gar-gaar Bani’aadanimo oo shacabka la gaarsiiyey

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Gar-gaar bani’aadnimo oo la gaarsiiyey shacabka ayaa yiri “Sii Hayaha xilka Wasiirka Haweenka & Xaquuqda Aadanaha ayaa 22kii December 2014 Deeq isugu jirta dawo, dhar iyo agab kale oo ka timid hay’adaha Nile Organization iyo Kimsiyoke ee laga leeyahay dalka Turkey, ayaa ay deeqdaasi la guddoonsiisay Golaha Naafada Qaranka, Isbitaal Banaadir iyo Machadka Drs. Qamar. Sii-hayaha xilka wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo Deeqdaasi guddoonsiisay dadkii loogu talo galay ayaa kaga mahadcelisay Turkiga caawimaada ay caawineyso dadka Soomaaliyeed. Sii hayaha Xilka Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xaqiijisay in deeqda oo gaaraysa hal kunteenar loogu talagalay dadka Soomaaliyeed. iyadoo sheegtay in Golaha Naafada Qaranka ay ku wareejiyeen qalabka loo isticmaalo nadaafadda, dawo iyo 300 joog oo dhar ah. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xustay in deeq dawo ah iyo agabka nadaafadda ay sidoo kale ku wareejiyeen maamulka isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, Ardayda wax ka barata Machadka Drs. Qamar ayaa sidoo kale deeq la guddoonsiiyay.”

Cutubyo ciidan oo tababar dhameystay

Commandos1

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey cutubyo ciidanka ah oo tababar loo soo xiray ayaa yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 22kii December 2014 tababar ciidan u soo xiray dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah ee Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah. Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, iyo Taliyaha ciidanka XDS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ka qeybgalay xafladaas. Ciidankan oo tababar heer sare ah qaatay ayaa wax weyn ka qaban doona falalka argagaxisada ah iyo denbiyada qorsheysan ee ka dhaca dalka. Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa aad u soo jiitey.”

Wasiirka Gaashaandhiga oo booqday Tiyeglow

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashada Wasiirka Gaadhaandhiga uu ku tegey Tiyeglow ayaa yiri “Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashandhiga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 23kii December 2014 booqdey degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool, halkaas oo uu kula soo hadlay ciidammo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ujeedada booqashada ayaa aheyd in Wasiirku uu soo kormeero goobaha ay ciidammada Xoogga ku sugan yihiin, isla markaasna dhiirigelin u sameeyo ciidanka si ay waajibaadkooda qaran u gutaan. Wasiirka oo meel fagaaro ah kula hadlay ciidammada oo uu u jeediyey hadallo dardaaran iyo guubaabo ah ayaa yiri “Waxaa la idinka doonayaa inaad shacabka Soomaaliyeed u adeegtaaan oo aad difaacdaan isla markaasna aad dhowrtaan xaquuqda shacabka oo aanan lagu xadgudbin, dhowaanna maxkamadda ciidammada ayaa Tiyeglow laga dhisi doonaa. Waana inaad sii xoojisaan dagaalka lagula jiro argagixisada inta laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan, waxaadna ku ammaanan tihiin tababarradii aad Tiyeglow ku qaadateen.”

Somalia oo xubin ka noqotay ITSO

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Soomaaliya oo xubin ka noqotay ITSO ayaa yiri “23kii December 2014 ayuu sii hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo safar shaqo ku joogay Washington ayaa waxaa uu u gudbiyey waraqahii aqoonsiga ee Somalia xubin uga noqon lahayd Ururka Maamula Isgaarsiinta Satellityada Adduunka (International Telecommunications Satellite Organization) (ITSO). Waxay arintan gacanta Dawlada Soomaliya soo gelin doontaa maamulida iyo ogolaanshaha xidig cagmaydka (Satellites) dul mara hawada dalkeena. Agaasimaha Guud ee ITSO, Mr Jose Toscano oo wasiirka ku martiqaaday shirkan, kuna soo dhaweeyey xafiiska ku yaala Washington ayaa faah faahin dheer ka siiyey muhimmada ay u leedahay in Dowlad walba heshiis la gasho dowlada ama shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xidig gacmeedyadooda dul maraan, si aysan spectrum iyo frequency wadanka aysan dhib u geysan oo si fasiix ah loo maqlo. Arintan waxay muhiim u tahay dejinta iyo helida igaarsiin nadiif ah oo lahayn dhawaq hoos u dhiga habsamida isgaarsiinta. Wasarada ayaa furi doonta xafiis arimahan u gaar ah oo maamula heshiisyada isgaarsiinta satellityada ee dalka dulmara. Waa markii ugu horeeysay in Soomlaiya arintan ay maamulkeeda la wareegto.”

Previous Post

Al-Shabaab oo shan qof oo safar ah ku dilay gobolka Bakool

Next Post

Hey’adda SIM TRAINING AND CONSULTANCY oo tababar u qabatay 133 qofood (Sawirro)

Next Post

Hey'adda SIM TRAINING AND CONSULTANCY oo tababar u qabatay 133 qofood (Sawirro)

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
0

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In